Golaha Wakiilada oo la soo hor dhigay xeerka hawl gabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda.

0
38

Hargeysa(Dawan):-Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada  oo uu
shirguddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Proff: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon   ayaa la soo hor dhigay  xeerka hawl gabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda  Khaalid  Jaamac Qodax ayaa Mudanayaasha   Golaha Wakiilada faahfaahin ka siiyay muhiimada uu leeyahay  Xeerka hawlgabka shaqaalaha Dawlada.

“Waxa aan  bayaaminayaa  Muhiimada uu leeyahay  Xeerka hawlgabka  iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada,waxa uu ka kooban yahay Xeerka hawlgabka  iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada 8 cutub  72 qodob waxa uu si guud uga hadlayaa  hawlgabka  iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada.qodobada  xeerka waxa ku cad hay,adii maamuli la hayd hawlgabka  iyo xaqsiinta shaqaalaha.waana  markii koowaad ee aynu ka fikirno ee la sameeyo Xeerka hawlgabka  iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada,waxaana xeerka  uu abuurayaa  hay,ada  maamulaysa hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada,”.ayuu yidhi Khaalid Jaamac Qodax.

Sidoo  kale Khaalid  Jaamac Qodax ayaa waxa uu tilmaamay in hay,adda shaqaalaha  dawlada wado dib u habaynta casriga ee shaqaalaha dawlada,Waxaana uu yidhi”Waxaana hay,adda shaqaalaha dawlada wadaa dib u habaynta casriga ee shaqaalaha dawlada,oo ku xidhan shaqaalaha dawlada,oo ku xidhan rifoomka Maaliyadeed ee ay wado Wasaarada Maaliyadda.waana labo Rifoom oo isku xidhan.waxaana aanu dhamaystirnay  nidaamka  darajooyinka ee mushahar bixinta,”.