Qoyska Maraykanka oo magdhow ka dalbanaya Nasa ka dib markii burbur Dayax-gacmeed ku soo dhacay gurigooda

0
43

Qoys ku nool Florida oo uu gurigooda dusha kaga soo dhacay waxyaabo ka mid ahaa hadhaaga dayax gacmeedka ee hawada sare horaantii sanadkan ayaa magdhow ka dalbanaya wakaalada hawada sare ee Maraykanka ee loo soo gaabiyo NASA.

Walxahan oo ahaa bir culayskooduna ahaa1.6lb (0.7kg) ayaa dalooliyey laba lakab oo ka mid ah saqafka aqalka  uu keeyahay Alejandro Otero oo ku yaal Naples, bishii March ee sanadkan.

Nasa waxa ay sheegtay in shaygu uu ka mid ahaa  qalab culayskiisu ahaa 5,800lbs oo ay tuurtay.

Mr Otero waxa uu sheegay in wiilkiisa uu ku dhawaaday in uu dhaawac soo gaadho.

Waxyaabaha hadhaaga ah ee hawada sare ayaa dhibaatooyin geysta. Qareenka Mica Nguyen Worthy ayaa sheegay in qashinka hawada ay halis noqdeen waxaanay si weyn ugu kordheen hawada sare sannadihii u dambeeyey.

Mr Otero ayaa u sheegay CBS TV in aaladda ay abuurtay “cod aad u weyn” markii ay ku qaraxday gurigiisa.

“Waan gariirayay, gabi ahaanba waan rumaysan waayey. Waa maxay fursadaha ay wax ugu soo degi karaan gurigayga iyaga oo leh xoog intaa le’eg si ay khasaare badan u geystaan,” ayuu yidhi Mr Otero.

Burburka walxaha soo dhacay waxaa la go’aamiyay in ay qayb ka ahaayeen waxyaalaha loo isticmaalo in lagu rakibo baytariyada dayax gacmeedka.

Wakaaladu waxay haysataa lix bilood oo ay kaga jawaabto sheegashada Otero.

Bishii Febraayo, dayax-gacmeed Shiinees ah oo loo yaqaan K” ayaa gubtay markii uu dib u soo galay hawada Hawaii.

Sannadkii hore, qudbi bir ah oo aad u weyn ayaa laga helay xeebta Galbeedka Australia waxaana la aqoonsaday inay tahay qayb ka mid ah dayax gacmeed  Hindida. Waxaa jira qorshayaal lagu soo bandhigayo qaybo ka mid ah Nasa’s Skylab, oo ku burburay Australia 1979kii.