Dowladdaha Somaliland iyo Turkiga oo kawada hadlay arrimo la xidhiidha horumarinta Xabsiyada

0
94

Qore Khadar M . Xaashi
Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed, taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaalada Ismaciil Saleebaan Bawkax, ayaa xarunta wasaaraddaasi ku qaabiley Safiirka Qunsuliyadda Turkiga ee Somaliland iyo Isku-xidhaha hay’adda Iskaashiga Mashaariicda ee TIKA.
Kulankaas sidoo kale waxa ka soo qayb galay agaasimaha waaxda arrimaha xabsiyadda iyo xuquuqal-insaanka iyo agaasimaha Qorshaynta, waxa ujeeddadiisu ahayd iskaashi dhinaca mashaariicda adeegyada caddaaladda.
Geesta kale masuuliyiinta dalka Turkiga ka socotay ayaa booqasho ku tegay Xabsiga Berbera oo Turkigu muddo laba qarni ka hor ah ay dhiseen, kaasoo ay qorshaynayaan in ay dib-u-dhis ku sameeyaan.
Wasiirka cadaaladda ayaa sheegay in Turkiga iyo Somaliland wadagaan taariikh qoto dheer, haddana loo baahan yahay in raadadkii iyo aasaarta taariikhiga ahaa ee Turkigu Somaliland kaga tegay qarniyo ka hor dib loo soo cusboonaysiiyo, sidoo kale waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Turkigu iska kaashan doonaan mashaariic badan oo lagu horumarinayo adeegyadda Caddaaladda, Turkiguna ka caawin doono JSL, hirgelinta mashaariic horumarineed.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf, ayaa xusay soo dhawaynayaan iskaashigaas cusub ee Turkigu la yeelanaayo Somaliland, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay taariikhda Turkiga u leedahay dib-u-dhiska Xabsigga Berbera.
Mr. Harun Arslan, madaxa Qunsuliyadda Turkiga ee Somaliland iyo Mr. Zafer Ekşi isku-xidhaha Mashaariicda hay’adda TIKA, ayaa sheegay in ay booqadho ku tageen magaaladda Berbara, gaar ahaan Xabsiga Berbera, Masaajidka Turkiga iyo dekedda Berbera, waxaanay ballanqaadeen in ay dawladda Turkiga ay qorshaynayso sidii wax looga qaban lahaa xabsiga, guud ahaana Somaliland ay ka horgelin doonaan mashaariic horumarineed.
Gaba-gabadii Masuuliyiinta Turkiga ka socday iyo Wasaaradda Caddaaladda JSL, waxa ay isla qaateen in laga wada shaqeeyo dib-u-dhisla Xabsiga Berbera, lana qorsheeyo mashaariic dhanka horumarinta caddaaladda ah.