Itoobiya oo Diiday Inay ka Noqoto Heshiiskii Somaliland

0
82

 

Ankara-( Dawan)- Dawladda federaalka Itoobiya ayaa diiday in ay ka noqoto is afgaradka Heshiis ee ay la gashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha debadda ee Turkiga oo magaalada Ankara uga kala dab-qaadayey dawladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku fashilmay inuu meesha ka saaro MOU-gii ay itoobiya dawladda Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda horraantii sannadkan, taasina waxa ay sabatay in wada hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara ay fashilmaan oo lagu kala kacay.

Wada hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa laysla fahmi waayey qodobadii laysku hayey oo Soomaaliya ay ku doonaysay in Itoobiya laasho Heshiiska Somaliland taa bedelkeena ay iyagu (Soomaaliya) bad siinayso .

Wafti ka socday Soomaaliya ee ku sugna Ankara ayaa kadib markii uu fashilmay wadahadaladaasi waxay sababtay in ay si degdeg ah ugu duulaan dalka Masar si ay uga soo qaataan go’aanka xiga ee ay ku dabaqayaan xaaladda ay Somaliland ka abuurayaan.

Dawladda Turkiga ayaa labada dhinaca ka codsatay in ay siiyaan fursad ay mar saddexaad ku Dhexdhaxaadiyaan maadaama ay fashil ku soo dhammaadeen labadii kulan ee hore waxaana ka saddexaad loo balamay bisha September ee soo socota kaas oo mar kale laysku soo hor fadhiisinayo labada dhinaca.

Itoobiya ayaa gebi ahaanba diidday in ay ka noqoto heshiiskii is fahan ee ay la gashay Somaliland