Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayay oo si Diirran loogu soo Dhaweeyay Burco

0
82

 

Burco (Dawan) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa shalay gaadhay magaalada Burco, waaxana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynaha halkaas ku dhaqan oo aan u kala hadhin soo dhawaynta Madaxweynaha.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isugu jira cuqaal, salaadiin, waayeel, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro, islamarkaana ay hormuud u yihiin madaxda xukuumadda ee gobolka iyo kuwa degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa lagu soo dhaweeyey Fardo iyo gaadiid tiro badan oo lagu sharraxay calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo madaxweynuhu la lugeeyey bulshadii soo dhaweysay oo taxnayd waddada weyn ee magaalada kasoo gasha dhinaca Qoyta.

Maamulka gobolka iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada oo hadallo ka jeediyey goob fagaare ah oo lagala hadlay bulshadii madaxweynaha soo dhaweysay, ayaa soo dhaweynta madaxweynaha ku sifeeyey mid taariikhi ah oo muujinaysa taageerada uu madaxweynuhu ku leeyahay guud ahaanba gobolka Togdheer.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay bulshadii sida diirran usoo dhaweysay, waxana uu ku dheeraaday taariikhda ma guurtada ah ee Burco iyo dadkeeduba ku leeyihiin qarannimada iyo halganka dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safar shaqo ku marayey qaar kamid ah deegaannada dalka, ayaa isla shalay soo dhaweyn diirran loogu sameeyey deegaannada Karasharka, Galooley iyo Qoyta.

Dadweynaha deegaannadan oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa madaxweynaha kaga hor tegay waddada weyn ee laamiga ah, waxana uu la qaatay socod lug ah.

Madaxweynaha iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa la hadlay dadweyne tiro badan oo kusoo dhaweeyey deegaanka Qoyta ee duleedka Burco, waxana ay uga mahadnaqeen sida milgaha iyo lexejeclada leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray xarun caafimaad oo loogu talo galay Hooyada iyo Dhallaanka oo xukuumaddu ka binaysay gudaha deegaanka Karasharka.