Bulshada Degaanka Gorayo-xun oo Walaac ka Muujiyay Ayax ku Habsaday

0
61

Qore Cabdiwahaab Daahir

Duruqsi (Dawan) Deegaanka Gorayo-xun oo ka tirsan degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer, ayaa waxa laga soo sheegayaa in maalmihi u dambeeyey uu ku habsaday Ayax, kaasi oo waxyeelo soo gaadhsiiyey daaqii iyo dalagii dhulka ku yaalay.

Jaamac Cumar oo ka mid ah bulshada xoolo dhaqato beeraleyda degaanka Gorayo-xun, ayaa walaac xoogan ka muujiyay saameynta uu ku yeeshay daaqii iyo dalagii ay xooluhu cunilahaayeen Ayaxa ku habsaday degaankaasi.

Jaamac oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xoolihii ay ku sumoobeen daaqii iyo dalagii, isla markaana maqashii ay uurka ku sideen soo daadiyeen, waxaanu dalbaday in loo soo gurmado waxna lagala qabto.

Waxaanu yidhi. “Ayaxani dhibaato ba’an ayuu Deeganka soo gaadhsiiyey, xoolihii wayku shaashoodeen, taasi waxay keentay in ay ilmihii caloosha ku jiray soo daadiyaan, caleentii dhirta ku tiilay ee ay xooluhu cuni lahaayeena wuu xaalufiyey”.

Gaba-gabadii Jaamac ayaa sheegay in Ayaxani yahay mid dhamaan Deeganka ku baahay isla markaasna hadda ay is biirsadeen Ayaxii waa waynaa iyo ugxaantiisii oo dilaacday, ay saameyn taban ku hayaan degaankii.