Madaxweynaha JSL oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic Horumarineed oo laga Fuliyay Gobolka Hawd

0
57

Qore Khadar M. Dhako

Baligubadle (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa shalay xadhigga ka jaray Mashaariic hurumarineed oo ay xukuumaddiisu ka  hirgaliyay  Magaalada Baligubadle iyo Gobalka Hawd oo laga fuliyay khasnada dawlada.

Mashaariicaha  horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi xadhigga ka jaraya ayaa ah mashaariic horumarineed oo saamayn weyn ku leh nolosha bulshada iyo guud ahaan kaabayaasha gobolka Hawd, waxaana ka mid ahaa mashaariicdaasi Xafiiska Xarunta bilayska gobolka Hawd, xarunta laanta socdaalka gobolka Hawd iyo xarunta Baanka Somaliland ee gobolka Hawd.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  xadhigga ka jaray Dhaam biyood oo wayn, kaasi oo laga hirgeliyay goboka Hawd, gaar ahaan meel o 10 Kiiloo mitir u jira deegaanka Bidhiiqa ee gobolka Hawd.