Madaxwaynaha Somaliland oo Ka Hadlay Damaca Masar iyo Cadaawada ay u Hayso JSL

0
68

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayay oo si Ballaadhan loogu Soo Dhaweeyay Degmada Wajaale

Wajaale (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shalay gaadhay magaalo xuduudeedka Tog-wajaale oo goob fagaare ah kala hadlay bulshadii soo dhawaynaysay ayaa cadeedayay in cadaawada ay Masar u hayso Somaliland ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin, waxaanu xusay inay rabto in ay Somaliland dagaal dib ugu celiso.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu sheegay in heshiiskii is afgarad ee ay kala saxeexdeen dawladda federaalka Itoobiya iyo Somaliland uu dibada u soo saaray cadawgii Somaliland ee qarsoonaa, iyo inta doonaysa in ay Masar iyo kawa la midka ahi ku shaqaysntaan.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa innagu batay oo Somaliland lugta haya Dawladda Masar, maaha Xasan iyo kuwan loo yeedh yeedhayo, Masar waxay doonaysaa inay (proxy war) dagaal laguu  wakiishay oo danbe ay inagu celiso, waxaanu ka doonaynaa in aanu jaarkayaga nabad kuwada noolaano annaga oo laba dala oo xor ah oo siman oo is qadarinayna oo talo wadaag leh.

Ku jiri mayno, caqliga Xamar ka talinayaana caqli maaha danta Soomaaliyeedna ma hayo iyo ta shicibka, waligeen iyo allaheen inaga iyo Itoobiya in colaad la inagu wado in aynu Masar u hiilino taasi caqli maaha waan ka koraynaa, Masar daneeda ha qabsato dantayada ayaanu qabsanaynaa.”

Dhinaca kale Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacabka Somaliland ugu bushaareeyay inuu hirgalayo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca iskaashiga Badda, waxaanu tilmaamay in heshiiskani dibada u soo saaray cadaw badan oo ay Somaliland lahayn oo ay ka mid yihiin kuwa ay Masar ku shaqaysanayso waxaanu yidhi MOU-gu wuu hirgalayaa, taasi waa hubaal, wixii xag xaganayaa ha xag xagto, qolada Xamar ee maanta ciidanka Masaarida keentay ee saldhiga siinaysa iyada mid baan leeyahay, waar laba hal isma qabtaan Soomaali baynu midaynaynaa oo Xabashi oo Kiristaan ah baa inagu soo duushay iyo Masar baan keensanayaa oo Somaliland baan xoog ku qabsanayaa labadaasi isma qabtaan, ninka Masaari ii soo kaxaystay ma Soomaalinimo ayuu iga rabaa. MOU-gu wuxu soo saaray inta doonaysa inay Masar iyo kuwa la midka ahi ku shaqaystaan, mana aqbalayno”.