“Reer Saylac Waa u Diyaar soo Dhaweynta Madaxwaynaha”

0
47

Qore: Cabdiwahaab Daahir

Hargeysa (Dawan) Maayerkii hore ee degmada Saylac Maxamed Cumar Xaddi, ayaa bulshada gobolka Selel haar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka Saylac, Caasho-cado,   ugu baaqay in ay si wanagsan u soo dhaweeyaan Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa.

Sidoo kale waxa uu xusay in guud ahaan tuulooyin ka iyo degmooyinka gobolka Sellel,  siwayn looga dareemayo soo dhawaynta Madaxweynaha iyo weftigiisa, wuxu intaasi ku daray ka Gobol Salal ahaan in ay diyaar u yihiin in markale ay u codeeyaan isla markaasna is garab taagaan xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE, kana go’an tahay soo saaristiisu.

Geesta kale waxa uu Madaxwayne Biixi ugu baaqay in uu wax ka qabto Jidka isku xidha  deegaanada Caasha-Cado iyo Dagmada Saylac.

Waxaanu yidhi. “Waxan maanta ka hadlayaa Socdaalka Madaxweynaha JSL  waxan leeyahay Madaxwayne soo dhawaw anigoo ah Maayerkii hore ee degmada Saylac, waxan leeyahay Muusow sifiican baan ku soo dhawaynaynaa kuna soo dhawaw Barwaaqo”

Dhanka kale waxa uu sheegay in roobab duufaano iyo dabeylo wata oo ka da’ay magaalada Saylac, ay dumiyeen guryo badan, waxaanu dowladda hoose ka codsaday inay ugurmato dadka hoy la’aanta dhigeen duufaantii iyo dabaylihii.

Waxaanu yidhi “Sannadkan abaari majirto dhulkuna waa Barwaaqo balse waxa gobolka Selel ka da’ay Roobab duufaano wata, kaas oo guryihii dumiyey, waxan leeyahay Guryahaa dumay in ay dawlada hoose wax ka qabato, intaana Dowlada Hoose ayaaba ku filan ayaaban qabaa”.

Gaba-gabadii waxa uu hay’addaha Caalamiga ah ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan wax ka qabashada sidii dib loogu dhisilahaa  dadkaa duufaanta iyo dabeylihii roobku guryaha ka dumoyeen.