Saddex Qof oo ku Geeriyooday Baabuur uu Qaaday Dooxa Bariisle ee Gobolka Selel

0
45

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Lawyo-Cade (Dawan): Saddex qof ayaa ku geeriyooday dooxa Bariisle ee dhaw magaaladda Lawyo-cade, ee gobolka Selel, kadib markii baabuurkii ay saarnaayeen uu qaaday dooxaasi.

Dadkaasi oo rakaab ayaa saarnaa baabuur u socday dalka Jabuuti, isla markaana ka tegay magaaladda Arabsiyo ee gobolka Gabiley, kuwaasoo qayb ka ahaa sideed qof oo isku qoys ah ooh al baabuur wada saarnaa.

Maxamed  Ibraahim Yaasiin (Fanax), guddoomiyaha shirkadda gawaadhida iska kala  Somaliland iyo Jabuuti, ee Aayatiin, ayaa ka waramay dadkaasi rakaab ahaa oo Daadad ku qaadeen dooxa Bariiste.

Dooxa Bariisle ayaa u dhaw magaaladda Lawyo-cade, wuxuuna masuulkaasi sheegay in ay dadku ku dhex jireen muddo gaadhiga oo dooxa dhex yaalay, isagoona baabuurku god dooxa dhexdiisa ahaa ku dhacay.

Waxa kaloo uu sheegay in ay gurmadka kala qayb galeen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee degan aaga Lawyo-cade, Daadadkani xooga leh ee  ka soo rogmaday dooxa Bariisle, ayaa ka dhashay roobab xoog leh oo maalmahan ka da’ayay deegaamadaasi.

Guddoomiyaha shirkadda Aayatiin, ayaa sheegay in ay ka soo gurmadeen xagga magaaladda Lawyo-cade, iyadoona ay dooxa dhinaca Somaliland ka taagnaayeen saddexda baabuur oo laba ka mid ah ay ahaayeen kuwo yar yar, halka midkoodna uu ahaa baabuur weyn, kaasoo ka gudbay dooxa.

Gawaadhi kale oo ka kala tegay magaalooyinka Gabiley, Hargaysa, iyo Boorama ayaa maalmahanba ku xanibnaa dooxaasi, kuwaasoo ku kala xaniban Waaraabood, Caasha cado, maadaama oo daad xoog leh uu socdo dooxyadda.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gaadhigu wuxuu ka yimid magaaladda Arabsiyo, ee gobolka Gabiley, dadka gaadhiga saarnaa waxay ahaayeen 8 qof, kadibna Xadhko ayaanu Daadka kaga soo daad guraynay. Saddexda qof ee geeriyooday iyadoo mid uu Mayd yahay, labana ay Koomo ku jireen.

Labada qof ee Koomada ku jiray baabuur ayaa loogu qaaday dhinaca dalka Jabuuti, kadibna markii la gaadhsiiyay cusbitaal ku yaala dalka Jabuuti, ayaa la ogaaday in ay labada qof ba Mayd yihiin.

Saddexda qof ee geeriyooday ayaa laba ay ahaayeen haween, halka mid na uu ahaa Wiil. Labada hablood waxay da’doodu kala ahayd midna 13 jir, midka kalena 15 jir, halka wiilkuna uu ahaa 22 jir. Waxaanay ahaayeen dad isku qoys ah, oo wada socday”.

Waxa kaloo uu sheegay Maxamed Ibraahim Fanax, maydadka dadkii ku geeriyooday daadkaasi loo qaaday dhinaca dalka Jabuuti, waxaanu yidhi “Dadkii kale ee saddexda qof ee geeriyooday baabuurka la saarnaa, iyagu way caafimaad qabaan, waxaana la geeyay Jabuuti”.

Geesta kale Maxamed  Ibraahim Yaasiin (Fanax), ayaa fariin u dirayderawaliinta gaadiidka u kala goosha Somaliland iyo Jabuuti, “Fariinta aan u dirayo derawaliinta waxay tahay, haddii uu dooxu socda, in aanay gawaadhida ku soo tuurin derawaliintu” ayuu yidhi Maxamed  Ibraahim Yaasiin (Fanax).