“Qaddiyada Somaliland Cid Wax ka Beddeli Kartaana ma Jirto”

0
84

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, ayaa sheegay in aanu dalka madaxweynaha Somaliland dartii uga maqneyn, balse uu uga maqnaa xeerkii labada gole ka soo saareen ciddii Soomaaliya tagta, isla markaana ilaa la cafiyo in aanay dalka soogi karin.

Geesta kale waxa uu sheegay in hadaladii xanafta lahaa ee madaxweynaha uu warbaahinta u mariyay in aanu madaxweynuhu marna uga jawaabin, waxaanu xusay in madaxweynuhu uu yahay saaxiibkii.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in Somaliland aanay jirin wax u yaala Koonfur, isla markaana jiritaanka Qarannimada JSL, cid wax ka baddali karta aanay jirin.

Waxaanu yidhi. “Anigu dalka Madaxweynaha ugamaan Maqnayn ee Go’aankii labada gole qaran (Baarlamaanka) ayaa xeer soo rogay, kaas oo la xidhiidhay ciddii Xamar tagta ilaa cafis loo fidiyo in aanu soo geli karin dalka ayaan uga maqnaa, madaxweynuhuna waa saaxiibkey, xildhibaanada iyo wixii Muqdisho inaga joogana aynu u yeedhano.”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Haddaladii taagtaagnaa ee aan madaxweynaha ku idhi marna iigamuu jaawaabin, labada gole qaanuunkii ay dhigeen ayaan dalka kaga maqnaa, kiibaanan u hogaansanaa, kiibaanan ku imid, haddii aan sahan tageyna Koonfur wax allaale wax inoo yaala ma jiraan.

Gooni isu taaga Somaliland-na waa go’aan shacab cid wax ka beddeli karta majirto, ana waxba kama beddeli karo, ”

Dhanka kale Boqor Buur-madaw ayaa u duceeyay bulshada Somaliland, ALLENA uga baryay inuu quluubtooda mideeyo. Waxaanu yidhi.“ILLAAHEY danbigeena ha dhaafo, ILLAAHEY Somaliland cadawgeeda cagta hoosteeda ha geliyo, quluubta bulshadana ALLE ha mideeyo.”