Qore: Boqore Axmed Cabdi
Burco (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani inay muwaadiniinta reer Somaliland ka iibsanayaan kaadhadhka codbixinta, isla markaasina ay gubayaan, waxaanu xusay inay beegsanayaan taageerayaasha xibiga Kulmiye iyo meelaha ay ku badan yihiin.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa taageerayaasha ugu baaqay inay ilaashadaan kaadhadhka codaynta, waxaanu la wadaagay inay dad badani u xidh xidhan yihiin hawshaasi oo lagu qabtay, sidoo kale waxa uu sheegay in aanay ka suurtagalin xisbiga Kulmiye inay falalkaasi ku kacaan waxaanu yidhi
“ Kaadhadhka waa la iibsanayaa, Waddani baa iibsanaya oo meelaha uu Kulmiye ku badan yahay buu ka iibsanayaa waa la gubayaa codkiinaa la burburinayaa, waad ilaashanaysaan xisbiga Kulmiye.
Dareenkiisa iyo dadnimadiisa iyo siyaasadiisu maaha in muwaadin Somaliland ah la burburiyo xaqiisa, inta kaadhkiisa laga iibsado dabadeed la gubo, ikhtiyaar buu u leeyahay in uu na dooran waayo, ikhtiyaar buu u leeyahay inuu mid kale doorto, khaadhkaana waa la ilaalinayaa dad fara badan baa u xidh xidhan”.