Qore: Boqore Axmed Cabdi
Dubai (Dawan) wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Soamliland ayaa heshiis is afgarad la gashay shirkada baadhista Macdanta ee dalka Imaaraadka (Emirates Industrial Laboratory) taasi oo Somaliland ka taageeri doonta samaynta iyo horumarinta Shaybaadhka Macdanta Somaliland, si loo helo shaybaadh horumarsan oo lagu baadho Macdanta dalka.
Haddaba Wefti uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaardda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mudane Maxamed Cismaan Siciid oo safar shaqo u jooga dalka Emirate-ka Carabata ayaa la saxeexdeen heshiis is-afgarad shirkada Emirates Industrial Laboratory.
Hishiiskan oo ku saabsan in la iska kaashado samaynta iyo horumarinta shaybaadhka Macdanta, ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska Safaraada Somaliland ay ku leehay magalada Dubai ee Dalka UAE.
Hadaba, isafgaradkani wuxuu dhabada u xaadhayaa in ay Somaliland yeelato shaybaadh casri oo lagu kalsoonan karo isla markaana lagu baadhi karo noocyada kala duwan ee macdanaha Somaliland qaniga kutahay.
Gebo’gabadii Somaliland iyo dalalka Imaaraadka Carabta ayaa leh xidhiidh soo jireen ah kaasi oo ay iska kaashadaan dhinaca horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, mana aha markii u horaysay ee ay heshiis iskaashi kala saxeexdaan, balse waxa jira heshiisyo taabagalay oo ay kala saxeexdeen laba dhinaca.