Noocyada Madax Xanuunka, Calaamadaha Lagu Kala Garto Iyo Hababka Loo Maarayn Karo

0
68

Xubinta labaad ee barnaamijka xcaafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa noocyada madax xanuunka, calaamadaha lagu garto iyo hababka la isaga daweeyo.

Inta aynu ku jirno xubinteena labaad ee barnaamijka caafimaadka waxa aynu sharaxaad ka bixin doonaa niooyada kala duwan ee madax xanuunka, maxaadse ku garan kartaa inuu madaxu ku xanuunayo sideese isaga dawayn kartaa.

Gebo’gabada xubinta labaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aanu idin kula wadaagi doonaa talooyin la xidhiidh madax xanuunka iyo sida ugu wanaagsan ee la isaga dawayn karo.

Haddab Madax xanuunku waxaa uu saameeya ku dhowaad kala bar dadka dunida ku nool, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah cilladaha ugu badan ee ku dhaca habdhiska neerfaha.

Meelaha khaaska ah ee uu madax xanuunku ku dhaco waxaa kamid ah, qaybta hore ee madaxa, dhafoorada iyo qaybta gadaale ee luqunta ama qoorta. Madax xanuunku wuxuu badanaa qofka hayn karaa 30 daqiiqo ilaa hal asbuuc.

Sababo kala duwan ayaa keeni kara madax xanuunka, waxaana ka mid cunnooyinka qaar, heerka biyaha ee jirka, bii’ada uu qofku ku shaqaynayo iyo caafimaadka guud ee qofka.

Madax xanuunku waxa uu saamayn karaa howl-maalmeedka qofka. Badankeennu, madax xanuunka marmarka qaar ah uma aragno wax wayn, si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in qofka uu madax xanuunkiisa raadsado talo caafimaad, inuu joogteeyo hab nololeed caafimaad leh, inuu ku dedaalo cunnooyinka caafimaadka uroon iyo jimicsiga.

Qormadaan waxa uu daryeel Magazine ku soo gudbinayaa noocyada madax xanuunka uu u qaybsamo, calaamadaha lagu kala garto iyo talooyin muhiim ah.

Noocyada madax xanuunka:

  1. Madax Xanuunka Dhafoorka iyo Qadaadka ((Tension Headaches):

Nooca ugu badan ee madax xanuunka waxaa layiraahdaa “tension headaches” waa nooc kamid ah madax xanuunka oo ku dhaca qaybta gadaale ee madaxa waxaana sababa shaqada badan iyo cadaadiska badan.noocyada kale ee madax xanuunka waxaa kamid ah.

Madax xanuunkan waxaa badanaa kiciya stress-ka. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegaan in madax xanuunkan uu xiriir la leeyahay walwalka iyo stress-ka, kuwaas oo keenta in murqaha qoorta iyo madax ay isku guntamaan.

Cabista shaaha sinjibiisha leh ayaa caawisa maaraynta madax xanuunkan.

  1. Cluster headaches:

Waa dareen gubasho iyo xanuun daran oo qofku ka dareemo aagga ama gadaasha hal il ama wakjiga hal dhinac. calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah sanka oo biyo ka yimaadaan, indhaha oo biyo ka yimaadaan iyo sanqada oo xirmata. Waxa uu qofka uu qabtaa si daba joog ah, isagoo qofka hayn kara 15 daqiiqo illaa 3 saacadood.

Xaaladaha qaar, madax xanuunkan, waxa uu keeni karaa barar, casaan ama dhidid lagu arko dhinaca uu saameeyo. Madax Xanuunkan ragga ayaa kaga dumarka.

Madax xanuunkan waxaa lagu maarayn karaa seexashada hurdo hal saac ah, cabista biyaha iyo in cunista cunnooyinka hodanka ku ah ah macdanta magnesium.

  1. Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headaches):

Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wajiga ah. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka horay loo foorarsado iyo marka ugu horraysa ee subaxdii la kacayo. Waxaa badanaa lagu qaldaa goonjabka calaamadahiisa waxaa ka mid ah qandho, qufac, cabur iyo indhaha biyo ka yimaadaan.

Xasaasiyadda iyo infection ka ayaa ah waxa u badan ee keena madax xanuunkan. Qofka aan cabbin biyo ku filan ayaa kicin karta madax xanuunka sanqaroorka.

Hurka sanqaroorka waxaa lagu yarayn karaa cabista biyaha iyo shaaha. Sida oo kale, waxaad calaalin karaa sinjibiil qoyan, maadaama ay leedahay awood hur-bi’iye iyo xanuun baabi’iye.

  1. 4. Madax xanuunka Hormoonka:

Noocaan, waxaa uu 60% ku dhacaa haweenka. Madax xanuunka hormoonka waxaa lala xiriiriyaa caadada, dawooyinka uurka looga hortago iyo uurka kuwaas oo dhammaan keena isbedellada hormoonnada. Hormoonka oestrogen oo hoos u dhaca wax yar ka hor cadaada ayaa kugu keeni karta madax xanuunkan.

  1. Goonjabka Ama Dhanjafka (Migrain):

Goonjabku ama dhanjafku wuu ka yara duwanyahay madax xanuunka caadiga ah wuxuuna leeyahay xanuun saaid ah iyo cadaadis madaxa ka fuula qofka bukaanka ah.

Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah:

  • Xanuun indhaha gadaashooda ama dhagaha gadaashooda aad ka dareemaysid
  • Xanuun daran oo dhafoorada kaa qabta
  • Araga oo khalkhala
  • Iftiinka iyo codadka oo qofka dhibaya
  • Mar marka qaarkood araga ayaa si kumeel gaar ah kaaga tagi kara
  • Matag mar mar ah wuu jiri karaa
  • Goonjabku wuxuu kaga duwan yahay madax xanuunka caadiga ah wuxuu leeyahay xanuun saaid ah oo qofku uusan wax shaqo ah qaban karin. Goonjabku wuxuu badanaa dadka ku qasbaa inay isbitaalka aadaan siay xaalkooda wax uga ogaadaan.

Goonjabka wata xanuunka daran wuxuu kaloo leeyahay xasuus yari bukaanka haleesha iyo dulqaadka oo ka yaraada bukaanka kaasoo sababa in bukaanku u adkeesan waayo hadalada dadka iyo jabaqda kale ee agagaarkiisa ka dhacaysa.

Farqiga ugu wayn ee madax xanuunka iyo goonjabka waa cadadka xanuunka ee bukaanku dareemo iyo cadaadiska uu wato xanuunkaas.

Farqiga kale ee ay ku kala duwanyihiin waa meelaha khaaska ah ee ku kala dhacaan.

Talo:

Maadaama goonjabku uu yahay xanuun saamayn wayn ku yeesha nolosha qofka bukaanka ah waxaan kula talinaynaa dadka qaba xanuunka inay ilaaliyaa xiliyada hurdada.

Hurdada oo kaa yaraata ama xiliyada hurdada oo aad isku khaladid waxay sababi kartaa goonjab ama dhanjafwaxay ka sii dari kartaa xaalada aad horay ugu jirtay. Fadlan isku day inaad hesho hurdo kugu filan.