Sida Kaneecadu u Faafiso Xanuunka ‎Xumadda iyo Saameynta ay Ku ‎Leedahay Caafimaadka Bulsho

0
60

 

Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Kaneecada, sameynteeda, ka ‎hortagga iyo caafinaadka bulshada. Xumadda kaneecadu keentaa waa cudur faafa oo halis ah oo ay sababaan ‎dulinno ku nool dhiigga dadka, kuwaas oo lagu kala qaado qaniinyada kaneecada dheddigga ah ee nooca ‎Anopheles. ‎

 

Cudurkani wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee ugu waa weyn dunida, gaar ahaan dalalka ‎kulaylaha iyo meelaha ay ka jiraan biyo fadhiya iyo nadaafad-xumo. Kaneeco ma aha oo keliya cudur caafimaad, ‎balse waa dhibaato saameyn ku leh dhaqaalaha, waxbarashada, horumarka bulshada iyo nolosha guud ee ‎shacabka.‎

 

Marka cudurku ku faafo bulsho, wuxuu saameynta ka bilaabaa heer tuulo, kadibna wuxuu gaadhaa heer degmo, ‎heer gobol iyo ugu dambayn heer qaran. Sidaas darteed, fahamka astaamaha, saameynta, ka hortagga iyo ‎daaweynta kaneecadu waa arrin muhiim u ah badbaadinta nolosha dadka iyo horumarka bulshada. Calaamadaha ‎kaneecadu waxay bilaabantaa maalmo yar kadib marka qofka uu qaniino kaneeco sidda cudurka. ‎

 

Astaamaha ugu badan waxaa ka mid ah qandho sare, madax-xanuun, gariir, qadhqadhyo, murqo xanuun, daal ‎badan, lalabbo iyo matag. Marka cudurku sii xumaado, qofka waxaa ku dhici kara dhiig-yaraan, neefsashada oo ku ‎adkaata, miyir-beel, suuxdin iyo xaalado kale oo halis gelin kara noloshiisa. Carruurta yaryar, haweenka uurka leh ‎iyo dadka difaaca jidhkoodu hooseeyo ayaa si gaar ah ugu nugul dhibaatooyinka malaria.‎

 

Tuuladu waa meesha ugu horraysa ee saameynta Kaneecada laga dareemo. Marka dad badan oo tuulo ku nool ‎ay xanuunsadaan, shaqooyinka beeraha, dhaqashada xoolaha iyo hawlaha nolol-maalmeedka ayaa hoos u ‎dhacaya. Carruurta ayaa ka maqnaata iskuullada, halka qoysasku ay waqti iyo dhaqaale badan ku bixiyaan ‎daaweyn.‎

 

Haddii adeeg caafimaad oo dhow aanu jirin, xaaladdu way sii adkaan kartaa, taas oo keeni karta dhimasho badan, ‎gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh. Marka Kaneecadu ay ku badato tuulooyinka degmada ku yaalla, ‎xarumaha caafimaadka degmada ayaa buuxsama. Kharashka caafimaadka ayaa kordha, shaqaalaha ayaa ‎xanuunsada, wax-soo-saarka degmada ayaana hoos u dhacaya. ‎

 

Degmadu waxay wajahdaa culays dhaqaale iyo mid caafimaad, iyadoo bulshada inteeda badan ay ku ‎mashquusho la tacaalidda cudurka. Faafitaanka Kaneecada ee heer gobol wuxuu saameeyaa horumarka guud ee ‎gobolka. Beeraha, ganacsiga iyo adeegyada bulshada ayaa daciifa. Cisbitaallada gobolka waxaa ku bata ‎bukaannada Kaneecada, taas oo yareyn karta awoodda lagu daaweynayo cudurrada kale. ‎

 

Gobolka ayaa sidoo kale la kulma hoos u dhac dhaqaale iyo korodb ku yimaadda heerka saboolnimada. Marka ‎Kaneecada ay noqoto dhibaato qaran, saameynteedu waxay gaadhaa dhammaan qaybaha horumarka dalka. ‎Dawladda waxay ku bixisaa kharash badan daaweynta iyo ka hortagga cudurka. Wax-soo-saarka shaqaalaha ‎ayaa yaraada, waxbarashadu way saameysantaa, dhaqaalahana wuu daciifaa. ‎

 

Carruurta badan ee sanad kasta u dhimata Kaneecada waxay sidoo kale yareeyaan awoodda mustaqbalka ee ‎bulshada iyo dalka. Sidaas darteed, Kaneecadu waa cudur aan ku koobnayn caafimaadka qofka oo keliya, balse ‎saamayn ku leh mustaqbalka qaranka oo dhan. Ka-hortagga Kaneecadu waa habka ugu waxtarka badan ee lagu ‎yareyn karo cudurka. ‎

 

Waxaa muhiim ah in, dadku ku seexdaan shabaqyada kaneeco-dilaha lagu buufiyey. In La tirtiro biyaha fadhiya ee ‎kaneecadu ku tarmo. Guryaha iyo deegaanka la nadiifiyo si joogto ah. Daaqadaha iyo albaabbada lagu rakibo ‎marooyin ama shabaqyo Marakaneeco oo ka celinaya kaneecada. Bulshada loo sameeyo wacyigelin joogto ah, ‎qof kasta oo qandho yeesha uu si degdeg ah u raadsado baadhitaan caafimaad.‎

 

Marka tallaabooyinkan la isku daro, waxaa si weyn u yaraanaya faafitaanka malaria. Daaweynta Kanèecada ‎waxay ku bilaabataa baadhitaan sax ah. Qofka lagu arko astaamaha Kaneecada waa inuu si degdeg ah u tagaa ‎xarun caafimaad si loo sameeyo baaritaan dhiig. Marka cudurka la xaqiijiyo, waxaa la siiyaa daawooyinka ku ‎habboon xaaladdiisa. Daaweyn degdeg ah waxay yaraynaysaa halista dhimashada iyo faafitaanka cudurka. ‎

 

Haddii bukaanku dib u dhaco ama uu iskiis isku daaweeyo, xaaladdu waxay isu beddeli kartaa mid halis ah. ‎Haddii Kaneecada aan si wax ku ool ah loola dagaallamin oo sanad walba ay sii socoto, waxaa dhici kara in tirada ‎dhimashada ay korodho. Carruur badan ayaa waayi doona fursadaha waxbarasho, qoysaskuna waxay ku bixi ‎doonaan dhaqaale badan daaweyn. ‎

 

Shaqaalaha wax-soo-saarka leh ayaa xanuunsan doona, taas oo hoos u dhigaysa koboca dhaqaalaha. ‎Mustaqbalka fog, Kaneecadu waxay keeni kartaa saboolnimo sii fida, horumar gaabis noqda iyo bulsho ay ku ‎badan yihiin dhibaatooyinka caafimaad. Sidaa darteed, haddii aan tallaabooyin adag la qaadin maanta, ‎saameynta cudurku waxay sii socon kartaa jiilal badan.‎

 

Gaba-gabddii, Kaneecadu waa cudur halis ah oo saameyntiisu ka bilaabato qofka, kadibna gaadha qoyska, ‎tuulada, degmada, gobolka iyo qaranka oo dhan. Inkasta oo uu yahay cudur sababi kara dhimasho iyo ‎dhibaatooyin badan, haddana waa cudur laga hortagi karo laguna daweyn karo haddii la helo wacyigelin, ‎nadaafad, baaritaan degdeg ah iyo adeeg caafimaad oo tayo leh.‎

 

Dadaalka lagula dagaallamayo malaria waa inuu noqdaa mid ay wadaagaan dowladda, hay’adaha caafimaadka, ‎bulshada iyo qoysaska si loo helo bulsho caafimaad qabta iyo mustaqbal wanaagsan. Qoys kasta ha isticmaalo ‎daawo kaneeco-dile leh, biyaha fadhiya ha la tirtiro si joogto ah. Carruurta iyo haweenka uurka leh ha la siiyo ‎ilaalin gaar ah.‎

 

Qof kasta oo qandho yeesha ha is baaro sida ugu dhakhsaha badan. Bulshada ha loo kordhiyo wacyigelinta ‎caafimaadka. Dowladda ha xoojiso adeegyada caafimaadka iyo qaybinta qalabka ka hortagga malaria. Iskaashiga ‎bulshada iyo hay’adaha caafimaadku ha noqdo mid joogto ah.‎