Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Kaneecada, sameynteeda, ka hortagga iyo caafinaadka bulshada. Xumadda kaneecadu keentaa waa cudur faafa oo halis ah oo ay sababaan dulinno ku nool dhiigga dadka, kuwaas oo lagu kala qaado qaniinyada kaneecada dheddigga ah ee nooca Anopheles.
Cudurkani wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee ugu waa weyn dunida, gaar ahaan dalalka kulaylaha iyo meelaha ay ka jiraan biyo fadhiya iyo nadaafad-xumo. Kaneeco ma aha oo keliya cudur caafimaad, balse waa dhibaato saameyn ku leh dhaqaalaha, waxbarashada, horumarka bulshada iyo nolosha guud ee shacabka.
Marka cudurku ku faafo bulsho, wuxuu saameynta ka bilaabaa heer tuulo, kadibna wuxuu gaadhaa heer degmo, heer gobol iyo ugu dambayn heer qaran. Sidaas darteed, fahamka astaamaha, saameynta, ka hortagga iyo daaweynta kaneecadu waa arrin muhiim u ah badbaadinta nolosha dadka iyo horumarka bulshada. Calaamadaha kaneecadu waxay bilaabantaa maalmo yar kadib marka qofka uu qaniino kaneeco sidda cudurka.
Astaamaha ugu badan waxaa ka mid ah qandho sare, madax-xanuun, gariir, qadhqadhyo, murqo xanuun, daal badan, lalabbo iyo matag. Marka cudurku sii xumaado, qofka waxaa ku dhici kara dhiig-yaraan, neefsashada oo ku adkaata, miyir-beel, suuxdin iyo xaalado kale oo halis gelin kara noloshiisa. Carruurta yaryar, haweenka uurka leh iyo dadka difaaca jidhkoodu hooseeyo ayaa si gaar ah ugu nugul dhibaatooyinka malaria.
Tuuladu waa meesha ugu horraysa ee saameynta Kaneecada laga dareemo. Marka dad badan oo tuulo ku nool ay xanuunsadaan, shaqooyinka beeraha, dhaqashada xoolaha iyo hawlaha nolol-maalmeedka ayaa hoos u dhacaya. Carruurta ayaa ka maqnaata iskuullada, halka qoysasku ay waqti iyo dhaqaale badan ku bixiyaan daaweyn.
Haddii adeeg caafimaad oo dhow aanu jirin, xaaladdu way sii adkaan kartaa, taas oo keeni karta dhimasho badan, gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh. Marka Kaneecadu ay ku badato tuulooyinka degmada ku yaalla, xarumaha caafimaadka degmada ayaa buuxsama. Kharashka caafimaadka ayaa kordha, shaqaalaha ayaa xanuunsada, wax-soo-saarka degmada ayaana hoos u dhacaya.
Degmadu waxay wajahdaa culays dhaqaale iyo mid caafimaad, iyadoo bulshada inteeda badan ay ku mashquusho la tacaalidda cudurka. Faafitaanka Kaneecada ee heer gobol wuxuu saameeyaa horumarka guud ee gobolka. Beeraha, ganacsiga iyo adeegyada bulshada ayaa daciifa. Cisbitaallada gobolka waxaa ku bata bukaannada Kaneecada, taas oo yareyn karta awoodda lagu daaweynayo cudurrada kale.
Gobolka ayaa sidoo kale la kulma hoos u dhac dhaqaale iyo korodb ku yimaadda heerka saboolnimada. Marka Kaneecada ay noqoto dhibaato qaran, saameynteedu waxay gaadhaa dhammaan qaybaha horumarka dalka. Dawladda waxay ku bixisaa kharash badan daaweynta iyo ka hortagga cudurka. Wax-soo-saarka shaqaalaha ayaa yaraada, waxbarashadu way saameysantaa, dhaqaalahana wuu daciifaa.
Carruurta badan ee sanad kasta u dhimata Kaneecada waxay sidoo kale yareeyaan awoodda mustaqbalka ee bulshada iyo dalka. Sidaas darteed, Kaneecadu waa cudur aan ku koobnayn caafimaadka qofka oo keliya, balse saamayn ku leh mustaqbalka qaranka oo dhan. Ka-hortagga Kaneecadu waa habka ugu waxtarka badan ee lagu yareyn karo cudurka.
Waxaa muhiim ah in, dadku ku seexdaan shabaqyada kaneeco-dilaha lagu buufiyey. In La tirtiro biyaha fadhiya ee kaneecadu ku tarmo. Guryaha iyo deegaanka la nadiifiyo si joogto ah. Daaqadaha iyo albaabbada lagu rakibo marooyin ama shabaqyo Marakaneeco oo ka celinaya kaneecada. Bulshada loo sameeyo wacyigelin joogto ah, qof kasta oo qandho yeesha uu si degdeg ah u raadsado baadhitaan caafimaad.
Marka tallaabooyinkan la isku daro, waxaa si weyn u yaraanaya faafitaanka malaria. Daaweynta Kanèecada waxay ku bilaabataa baadhitaan sax ah. Qofka lagu arko astaamaha Kaneecada waa inuu si degdeg ah u tagaa xarun caafimaad si loo sameeyo baaritaan dhiig. Marka cudurka la xaqiijiyo, waxaa la siiyaa daawooyinka ku habboon xaaladdiisa. Daaweyn degdeg ah waxay yaraynaysaa halista dhimashada iyo faafitaanka cudurka.
Haddii bukaanku dib u dhaco ama uu iskiis isku daaweeyo, xaaladdu waxay isu beddeli kartaa mid halis ah. Haddii Kaneecada aan si wax ku ool ah loola dagaallamin oo sanad walba ay sii socoto, waxaa dhici kara in tirada dhimashada ay korodho. Carruur badan ayaa waayi doona fursadaha waxbarasho, qoysaskuna waxay ku bixi doonaan dhaqaale badan daaweyn.
Shaqaalaha wax-soo-saarka leh ayaa xanuunsan doona, taas oo hoos u dhigaysa koboca dhaqaalaha. Mustaqbalka fog, Kaneecadu waxay keeni kartaa saboolnimo sii fida, horumar gaabis noqda iyo bulsho ay ku badan yihiin dhibaatooyinka caafimaad. Sidaa darteed, haddii aan tallaabooyin adag la qaadin maanta, saameynta cudurku waxay sii socon kartaa jiilal badan.
Gaba-gabddii, Kaneecadu waa cudur halis ah oo saameyntiisu ka bilaabato qofka, kadibna gaadha qoyska, tuulada, degmada, gobolka iyo qaranka oo dhan. Inkasta oo uu yahay cudur sababi kara dhimasho iyo dhibaatooyin badan, haddana waa cudur laga hortagi karo laguna daweyn karo haddii la helo wacyigelin, nadaafad, baaritaan degdeg ah iyo adeeg caafimaad oo tayo leh.
Dadaalka lagula dagaallamayo malaria waa inuu noqdaa mid ay wadaagaan dowladda, hay’adaha caafimaadka, bulshada iyo qoysaska si loo helo bulsho caafimaad qabta iyo mustaqbal wanaagsan. Qoys kasta ha isticmaalo daawo kaneeco-dile leh, biyaha fadhiya ha la tirtiro si joogto ah. Carruurta iyo haweenka uurka leh ha la siiyo ilaalin gaar ah.
Qof kasta oo qandho yeesha ha is baaro sida ugu dhakhsaha badan. Bulshada ha loo kordhiyo wacyigelinta caafimaadka. Dowladda ha xoojiso adeegyada caafimaadka iyo qaybinta qalabka ka hortagga malaria. Iskaashiga bulshada iyo hay’adaha caafimaadku ha noqdo mid joogto ah.





















