Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Faacuul oo ay weheliyaan gudoomiyaha waasarada waxbarasha ee gobolka Maroodi-jeex iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedka wasaarada waxbarashada ayaa waxa ay fariin u direen dhamaanba maamulayasha dugsiyada iyo gudomiyayaasha waxbarshada gobolada Dalka,
Fariinta wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ku saabsanayd in dhamaan Ardayda dhigata dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee Somaliland in ardayda subaxa hore marka ay dugsiyada yimaadaan la soo istaajiyo Daabuurka, isla markaasina ardayda halkaasi wacyigalin lagu siiyo.
“Waxan halkan ka shaacinaynaa isbadal aanu doonayno in aanu ku samayno habraacii iskuulada hoose dhexe iyo kuwa sare ba, iyada oo aano xooga saarayno in aanu dardar galino waxbarasha guud ahaan wadanka oo dhan waxa aanu howlgalinaynaa qof kasta oo ka shaqeeya waasaradda, waxan fariin u dirayaa maamulayasha, macalimiinta in sabtida lawada yimaad iskuulada isla markaana daabuurkii iyo safkii awal hore la galijiray la soo celiyo” Wasiiru Dawlaha wasarada waxbarsha.
Wasiiru dawlaha yaa sidoo kale sheegay in marka ay saacadu tahay Lixda iyo Badhka subaxnimo la bilaabi doono daabuurka isla markasina uu socon doono ilaa Todobada iyo Rubuc, waxa kale oo uu Wasiiru Dawluhu amray in Dugsi kastaa samaysto maamul isku dubarida daabuurka maamulayashuna ay ku soo casuumaan Madaxda, Haldoorka, Aqoon-yahanka iyo Waalidka si ay Ardayda u baraarujiyaan ugna wacyigaliyaan iyadoo Arday laga waaninayo sidii ay uga fogaan lahaayeen Qabyaalada, Mukhaadaradka iyo wax kasta oo aan u fiicnayn mustaqbalkooda.
Geesta kale waxa uu ku adkeey Gudomiyayasha,Maamulayasha iyo macalimiinta in ay fuliyaan amarka ka soo baxay wasaaradda Waxbarasha Sayniska iyo Barbaarinta Somaliland taasi oo la doonayo in dib loogu soo celiyo daabuurka Dugsiyada Hoose Dhexe iyo kuwa Sare isla markaana maalmaha Sabtida iyo Salaasada, sida uu wasiirku sheegayna ay waajib tahay in Ardaydu labadaa maalmood Subaxdii in la sameeyo Daabuurka, balse subax kasta inta aanay Ardaydu galin Galaasyadooda galin doono safka, waxa kale oo uu intaasi ku daray in wasaaraddu kormeer samayn doonto lagulana xisaabtami doono dugsiga aan fulin amarka wasaaradda ka soo baxay.
Gabagabadii wasiiru-dawle Faacuul ayaa hoosta ka xariiqay in ay arinkan ugu danleeyihiin isku xidhaanta maamulka Dugsiyada, Gudoomiyeyasha, Waalidka, Adayda iyo wasaaradda.