Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):-Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland,ayaa soo bandhigay bug koobsanayay qorshe hawleedka sannadka 2025 ka.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Jaamac Barre ayaa daah-furay Buugga Qorshe-hawleedka Sanadlaha ah ee 2025 ee Wasaaradd Macdanta iyo Tmaarta oo qeexaya qof kasta oo shaqaale ahi shaqadda uu qabanayo, munaasibada daah furka waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas, qaar ka mid aha Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Shaqaalaha iyo Khuburo kala duwan oo ka kala socotay ha’ayadaha ay wadashaqaynta dhaw leeyihiin wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo ka hadlay ayaa ku dheeraaday isla markaana faahfaahin ka bixiyey muhiimada uu leeyahay Buuga qorsha-hawleedka Sanadkan aynu ku jirno, waxa uu xusay in wasaaraddu leedahay qorshe iyo nidaam shan sano ah kaas oo laba sano oo ka mid ah la soo dhaafay halka ay Saddexda kale na hadhsan yihiin taas oo ay doonayaan in ay la jaanqaado siyaasadda qaranka.
“Waaxaha iyo shaqaale waynuhu waxay muddo ku hawlanaayeen anaguna aan ku hoggaaminaynay in laqoro wax walba waxa ay qaban karayaan sanadkan taas oo aanu uga golleenahay in shaqada la daadajiyo illaa laga gaadhayo halka ugu hoosaysa lana ogaan karo qofkasta shaqada uu qabanayo” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland
Waxa kale oo uu wasiirku intaa ku daray in hirgalinta Buuggaas Qorshe-hawleedka ee lasoo bandhigayey uu sahlayo wax soo saarka shaqaalaha iyo waxa uu qabanayo sidoo kalena uu ka imanayo isla xisaabtan si cadna loo garan doono shaqada qofka shaqaalaha ahi shaqada uu qabanayo.
Geesta kale waxa isna dhinaciisa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxa uu sheegay in qoreshe hawleedka wasaaradda macdanta iyo tamartu yahay mid muhiimad wayn u leh horumarinta iyo isku xidhka wasaaradda qeexayana qaabka iyo wax qabadka la filayo in sanadkan gudihiisa lagu fuliyo sidoo kale waxa uu agaasimuhu sheegay in qorshahani horsed u yahay horumarinta, isla xisaabtanka iyo horu socodka ay wasaaraddu rabto in ay gaadho.
“Qorshahani waxa uu gundhig u yahay in la helo hanaan cad oo lagu horumarinayo adeegyada macdanta iyo tamarta loona abuuro jawi dhiiri galiya maalgashi iyo dhaqaale waara” Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta.
Gabagabadii Agaasimaha Waaxda qarshaynta ayaa hoosta ka xariiqday in buugan la soo bandhigayey ee ka hadlayey qorshe hawleedka wasaaradda Tamarta iyo macdantu uu koobsanayo dhamaan wixii u qorshaysan wasaaradda Sanadkan lagu jire ee bilawga ah sidoo kalena uu si cad u qeexayo waax kasta oo ka tirsan wasaaradda.