Doorashadii u danbaysay ee aynu qabano boqolkiiba todobaatan waxa laga bixiyay miisaaniyadda Qaranka, inta kale waxa bixiyay Deeq bixiyeyaasha
Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay inay kulan la qaateen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kulankaas oo ay kaga wada xaajoonayeen doorashooyinka dalka 2026-ka , waxaanu xusay in madaxwaynuhu ballan qaaday in doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, isla markaana uu faray inay qorsheheedii diyaariyaan waxaanu yidhi.
“ Madaxwaynaha waanu la kulanay, waxaanu ballan qaaday in Doorashadaasi ay wakhtigeedii ku dhacayso, anaguna aanu diyaarinayno qorsheyaashii ay diiwaangalintu ugu horrayso iyo qaabka ay noqonayso, xiliga ay bilaabmayso, waxyaabihii caqabadaha ahaa ee Diiwaangalinihii la soo samayn jiray aynu aragnay, sida aynu wax uga bedeli karno qorsheyaashaasi ayaanu ku hawlanayn”.
Dhinaca kale guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf ayaa tilmaamay in doorashooyinka dalka ka qabsoomay uu Qaranku isku tashaday oo kharashka ku baxa boqolkiiba todobaatan qasnada dawladda laga bixiyay, halkaasi oo deeq bixiyeyaashu ay wax yar ku darsadeen.
Guddoomiye Muuse oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.“ Waxaa jirtay Doorashadii u danbaysay ee aynu qabano boqolkiiba todobaatan waxa laga bixiyay miisaaniyada Qaranka, inta kale waxa bixiyay Deeq bixiyeyaasha, Deeq bixiyeyaashu laba arrimood bay inagag cawdaan marka ay doorashadu timaado mid koowaad waa Doorashooyinka mudaysan oo wakhtigoodii dib uga dhaca, taasi oo abuurta kalsooni daro iyo In laga war-waro doorashadu ma dhacaysaa mise dib u dhac ayaa ku imanaya”.
Gebo’gabadii gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa tilmaamay inay u hawlgaleen sidii ay u diyaarin lahaayeen qorsheyaasha doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilladda e u mudaysan 31 May 2026-ka waxaanu xusay inay safari ugu baxeen dalka Kiiniya si ay ula kulmaan deeq bixiyeyaasha waxaanu sheegay
“ Markaa maadaama oo qabsoomida Doorashooyinka masuuliyada ugu saraysaa ay saaran tahay Madaxwaynaha Qaranka oo ay qodob Dastuuriya ay tahay, isagiina uu yidhi xiligeeda ayaan ku qabanayaa, anagu waxaanu ku wargalinaynay in doorashada xiligedii lagu qabanayo diyaar garawgeediina aanu bilawnay, qorsheyaasheedii iyo kharashkeeniina aanu hadda gacanta ku hayno, taasi safar baanu ugu baxnay oo Nayroobi baanu tagney, waxaanu la kulanay dawladaha khaasatan kuwa doorashooyinkii hore inaga caawiyay iyo dawladaha danaynaya in ay imika wax inala qabtaan sida saafaarada Maraykanka, safaarada EU-da, safaarada Sweden iyo (FCDO0 dawlada Ingiriiska, dhamaantood waanu la kulanay waxaanu ku wargelinay ama aanu la wadaagnay caqabadihii na soo wajahay sida Diiwaangalainta iyo inay u diyaar garoobaan wixii ay nala qaban karaan in aan ka wada shaqaynoi.
Waxa kale oo aanu la kulanay komishanka Doorashooyinka dalka Kiiniya madaama aynu doonayno inaynu Diiwangalinta wax ku kordhino waxna ka badelno, qaabka ay Diiwaagalintu u socoto ee hal mar Kaanbaynka ah Qaranka dhiig bax bay ku tahay”.