Khadar.M.Dhako.
Hargeysa(Dawan)Guddoomiyaha hay’adda khayriga ah ee Sancaani Foundation Maxamed Xuseen(Jagac) ayaa si rasmiya u bilaabay quudintii uu u fidin jiray dadka maskaxda ka jiran ee u sugan Magaalada Hargeysa,
Guddoomiyaha Hay’adda khayriga ah ee Sancaani Foundation Maxamed Xuseen(Jagac) ayaa bisha barakaysan ee Ramadan waxa uu u qaybiyaa raashin bisil dadka maskaxda ka jiran ee ku sugan suuqyada magaalada Hargeysa, kuwaas oo aan haysan meelo ay wax ka cunaan inta lagu guda jiro bisha ramadaan maadaama oo ay xidhan yihiin meheradihii cuntadu.
Gudoomiye Maxamed Xuseen(Jagac) oo u waramayay laanta Idaacada BBC ayaa waxa uu sheegay in sannad kasta Magaalada London uga yimaado quudinta dadka maskaxda ka jiran ee ku sugan suuqyada Magaalada Hargeysa,
Maxamed Xuseen Jagac ayaa waxa uu intaasi ku daray in sannadkii 2010 uu soo bilaabay quudinta bisha Ramadan
dadkan maskaxda ka jiran isla markaana ay u baahan yihiin in la gargaaro.