Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku baaqday in Salaad roob doon ah laga tukado dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalinta Axada, si ILLAAHAY loo baryo inuu raxmaadkiisa inoo shubo.
Guud ahaa magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka ayaa looga dareeray tukashada salaada roob doonta ah taasi oo ay bulshadu ILLAAHAY kaga baryayaan inuu u soo naxariisto oo uu roobka u shubo.
Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Balligubadle, Ceel Af-wayn iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee dalka waxa laga Oogay salaada roob doonta, waxaana barxadaha waawayn ee magaalooyinka iyo masaajidada isugu soo baxay bulsho aad u tiro badan kuwaasi oo gacmaha ILLAAHAY hoos hoorsaday siu u uga aqbalo ducada iyo baryada roob doonta.
Hargaysa waxa lagu tukaday salaada roob doonta goobo kala duwan oo ay ka mid ahaanyen garoonka kubada ee Hargaysa Istadyoom, garoonka Xawaadle, masaajidada Cali Mataan iyo Ibraahim Dheere iyo goobo kale oo aad u tiro badan, halkaasi oo bulshada lagu wargalinayay inay is cafiyaan oo sadaqada la baxaan si loo ajiibo ducadooda, waxaana kala qayb galay culimada dalka, kuwaasi oo bulshada ku wacdiyay inay isa saamaxaa si ducadooda loo aqbalo.
Gobollada iyo degmooyinka dalka salaada roob doonta waxa kala qayb galay maamulka gobol kasta iyo ka degmo kasta iyo guud ahaan Culimada, kuwaasi oo si wada jir ah ugu tukada barxadaha iyo masaajidada magaalooyinka iyo degmooyinka dalka.
Hargaysa waxa kala qayb galay salaada roob doonta ah wasiirada arrimaha gudaha, hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta iyo wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta iyo sidoo kale culimada waawayn ee dalka, waxaan salaada ka dib bulshada wacdi u jeediyay qaar ka mid ah culimida Hargaysa, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in bulshadu caloosha iska sii dayso oo la is cafiyo si ILLAAHAY inoogu naxariisto, sidoo kale waxa ay bulshada ku booriyeen inay sadaqad la baxaan oo dadka baahan wax siiyaan si ILLAAHAY inoogu naxariisto, waxa kale oo ay bulshada u sheegeen in haddii maanta la aqbali waayo ducada ay isgu soo baxeen loo baahan yahay in lagu celceliyo.
Masuuliyiinta dawladda ee salaada roob doonta ah kala qayb galay bulshada caasimadda Hargaysa ayaa bulshada ugu baaqay in la is taageerasado maadaama roobkii dib u dhacay ILLAAHAY-na la baryo, sidoo kale waxa ay aad ugu dheeradeen in bulshadu is cafiyaan wixii ay kala tirsanayaan.