Hargaysa: Booliska, Maxkammada iyo Xeer Ilaalinta oo Gubay Khamri iyo Raashin Dhacay.

0
75

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan Qaybta Galbeedka Hargaysa ayaa shalay soo bandhigay Raashin dhacay oo iskugu jiray Sonkor,Bariis iyo maan dooriyaha khamriga iyadoo si wada jir ah ay u gubeen Maxkammada gobolka Maroodijeex, Xafiiska Xeer ilaalinta iyo Taliska Qaybta galbeedka magaalada Hargaysa.

Taliyaha Qaybta Galbeedka Ciidanka Booliska ee magaalada Hargaysa Muuse Xasan Kaahin oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in ay gubeen  Khamri tiradiisu dhantahay 234 Litir iyo 62 Jawaan oo taarikhdoodu dhacday ama xumaaday, Waxa kale oo uu taliyuhu intaas ku daray in khamriga iyo Raashinka dhacay dad kii lagu qabtay la horgeeyey sharciga.

Geesta kale Taliyaha ayaa sheegay in Raashinka dhacay iyo Maan dooriyaha Khamriga la doonayey in laga iibiyo shacabka isagoo digniin u diray dad uu ugu yeedhay in ay caadaysteen iibinta iyo ka ganacsiga maan dooriyaha iyo Cunooyinka dhacay oo labaduba khatar wayn ku ah Caafimaadka iyo badqabka Shacabka.

Waxa uu xusay Taliye Muuse Xasan Kaahin in cidkasta oo falalka noocan ah isku dayda in ay bulshada ku dhibaateeyaan aanay ka baxsan karayn laamaha amaanka cida lagu qabtana ay ku mutaysan doonto ciqaab u dhiganta fal dambiyeed kooda.

Geesta kale Xubin ka socotay Maxakada ayaa sheegay in marka laga yimaad dadkii khamriga watay oo baxsaday ka dib markii ay ciidanka boolisku ku baxeen maan dooriyaha khamriga oo oo kaliya uun ciidanku soo qaadeen balse Xubnaha ku eedaysay Raashinka dhacay gacanta lagu hayo lana horyeeyey Maxkammada isla markaana Qabashada khamriga iyo Raashinka dhacay ay ku soo guulaysteen Sadhiga dhexe ee Hargaysa iyo Saldhiga Axmed Dhagax ee isla magaalada Hargaysa.

Waxa kale oo uu intaas ku daray dhacdooyinka ay indhahooda ku arkeen in ay ahayd Maan dooriyaha Khamriga oo markiisa hore ba ahaa aafo qaran hadan kan ay gubeen uu kaga duwanaa in ahaa Khamri dhacay, sidoo kale marka laga yimaad dhicitaanka Sonkorta ayaa iyaduna ahayd mid la soo ururiyey isla markaana ahayd Sonkorta dhulka ku daadata marka markabku Dekadda ku soo xidho