Khiyaanooyinka Soo Noqnoqday ee Soomaaliya Kula Kacday Somaliland:

0
85

Dib u Eegis Taariikhi ah oo Ku Saleysan Xaqiiqooyinka La Deyray

Qore Daahir Cabdi Ciise

Tan iyo markii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda kala soo noqotay 1991-kii, waxa si isdaba joog ah ugu soo noqnoqday isku dayo khiyaano siyaasadeed, marin-habaabin diblomaasiyadeed, iyo faragelin toos ah oo kaga imanayay dowladda Muqdisho. Inkasta oo Somaliland ay qaadday dariiqa nabadeed ee madax-bannaanida, hadana waxa marag ma doonto ah in Soomaaliya aanay marna daacad ka ahayn wada noolaanshaha gobolka, balse ay u aragto jiritaanka Somaliland mid la burburinayo si ay u ilaaliso maslaxadda maamulkeeda.

  1. Khiyaanadii Midnimada 1960

Jamhuuriyadda Somaliland waxay xoriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii Juun 1960, balse maalmo kadib waxay si niyad wanaagsan ah ula midoowday Koonfurta Soomaaliya. Midnimadaasi waxay ahayd mid aan heshiis rasmi ah lagu salaynin, dastuurkii lagu dhaqmayayna wuxuu ahaa mid Muqdisho looga dejiyay Koonfurta, iyada oo aan la tixgelin doonista shacabka Somaliland. Midnimadii waxay markiiba isu rogtay ku takri-fal awoodeed, kicisayna dareen khiyaano qaran.

  1. Xasuuqii iyo Dagaalkii Xorriyadda (1981–1991)

Dowladdii milatariga ahayd ee Siyaad Barre waxay qaaday guluf ciidan oo si bareer ah u beegsaday shacabka reer Somaliland. Magaalooyin waa weyn ee hargeysa. Burco.berbera iyo ceerigaabo ayaa la burburiyay, kumannaan qofna waa la xasuuqay, taasoo horseedday in shacabka Somaliland si isku duuban u gaadhaan go’aan cad oo ah in aan dib loogu noqon karin midnimadii khiyaanada ku dhisnayd.

  1. Maamulka Hawada: Balan Ka Bax.

Sanadkii 2013, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada laga furo magaalada Hargeysa. Hase yeeshee, Soomaaliya ayaa jebisay heshiiskaas, iyadoo si aan sharci ahayn ula wareegtay maamulka hawada, waxayna taas beddelkeeda bilowday in ay xannibto xuquuqda Somaliland ay ku leedahay hawadeeda.

  1. Caqabadaha Siyaasadda Dibadda: Isku Dayo Lagu Wiiqayo Guulaha Somaliland

Markasta oo Somaliland ay gaadho guul diblomaasiyadeed, Soomaaliya waxay bilaabtaa olole been abuur ah, iyadoo isku dayda in ay marin habaabiso saaxiibbada caalamiga ah. Tusaale ahaan, heshiiskii is-afgaradka ee Somaliland la gashay Itoobiya 2024, waxa xigay cambaareyn iyo dacaayado aan sal iyo raad lahayn oo lagaga hor tagayo horumarka Somaliland.

  1. Dandaasigii iyo Socdaalkii bariga sool Xamse Cabdi Barre.

Socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee bariga sool wuxuu ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay, laguna dhuumanayo arrimo nabadeed, balse dhab ahaantii ujeeddadiisu ahayd kicin iyo kala dhantaalid sumcadda Somaliland. Waxa kale oo uu safarkaasi jabinayay shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan qodobka 27aad ee Heshiiska Geneva ee 1949 oo mamnuucaya in maxaabiis lagu qasbo dhar ceebeynaya sumcaddooda.

  1. Midnimo Khiyaano ku Dhisnayd: Aragti Cad oo Shacabku Fahmay

Shacabka Somaliland maanta si qoto dheer bay u garwaaqsadeen in midnimadii 1960 ahayd khiyaano siyaasadeed oo lagu marin-habaabiyay rabitaanka shacabka. Taariikhda fog iyo tan dhawba waxay muujinayaan in siyaasiyiinta Koonfureed adeegsadaan hadal macaan iyo ficil khiyaano ah, taasoo ka tarjumaysa aragti liidata oo ay ka hayaan walaalaha reer Somaliland.

Ficilladooda joogtada ah waxay mararka qaar si aan leexleexad lahayn u muujinayaan nacaybka ay u qabaan jiritaanka Somaliland. Xitaa waxay u dhaqmaan si ka sii daran kooxaha xagjirka ah, iyagoo isku daya in ay wiiqaan haybadda iyo horumarka Somaliland ku tallaabsatay muddo nus qarni

  1. Khataraha Gudaha:

Waxaa jira dad reer Somaliland ah oo sababo siyaasadeed awgood u janjeedha aragtiyo wiiqaya qaddiyadda qaran. Waa waajib qaran in lala xisaabtamo cid kasta oo taageerta faragelinta ka timaadda Soomaaliya, loona adeegsado sharciyada si loo ilaaliyo midnimada iyo madax-bannaanida Somaliland.

Gunaanad:

Go’aankii Golaha Wasiirrada Somaliland ay shalay ku joojiyeen wada-hadalladii Soomaaliya, waa guul qaran oo la bogaadinayo. Waa go’aan ku salaysan xaqiiqooyin taariikheed iyo danaha qaranka, kana tarjumaya biseylka siyaasadeed ee shacabka Somaliland. Tani waa fariin adag oo muujinaysa in Somaliland diyaar u tahay inay difaacdo qaddiyaddeeda, una diyaar garowdo wejiyo cusub oo ay ku horumariso rabitaankeeda madax-bannaanida.

Shacabka Somaliland maanta waa mid ka wacyi badan sidii hore. Waxa laga koray rajadii iyo hungadii midnimada, waxaana la helay feejignaan dhab ah oo laga dhaxlay khiyaanooyinka joogtada ah. Halganka maanta socda waa mid lagu difaacayo jiritaanka qarannimada, laguna adkaynayo xaqa shacbigu u leeyahay inay go’aansadaan mustaqbalkooda. Duniduna waxa ay la socotaa dulqaadka iyo dimoqraadiyadda Somaliland, waana fursad ay tahay in si xeeladaysan looga faa’iidaysto.

Ugu dambayn, haddii aynu midowno, codkeenuna mideysan yahay, khiyaano kasta oo lagaga yimaaddo Muqdisho ama meel kale ma noqon karto mid hor istaagta himiladeenna qaranimo. Somaliland waxay u taagan tahay xaq, waxayna taariikhdu marag u tahay in xaqa aan la cabudhin karin. Waa waajib qaran in aynu adkayno difaaca madax-bannaanideenna, isla markaana si karti leh ugu bandhigno caalamka xaqiiqda dhabta ah ee geeska Afrika ka jirta.

Daahir Cabdi ciise

Daahircamey@gmail.com