Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaadhay dalka Malaysia, taas oo qayb ka ah socdaal uu ku marayo Koonfur Bari Asia, kaas oo loo arko inuu gudbinayo fariin shakhsi ah oo ku saabsan in Beijing ay tahay saaxiib ganacsi oo la isku halayn karo marka loo eego Maraykanka, isaga oo riixaya dagaal ganacsi eek ala dhexeeya Maraykanka .
Xi ayaa fiidnimadii Salaasadii soo gaadhay caasimadda Kuala Lumpur, waana booqashadiisii ugu horreysay ee Malaysia tan iyo 2013. Waxa uu ka soo duulay Vietnam halkaas oo uu ku saxeexay daraasiin heshiisyo iskaashi ganacsi ah oo ku yaal Hanoi oo ku saabsan wax kasta oo laga soo bilaabo sirdoonka macmal ilaa horumarinta tareenada.
Markuu ka degay Kuala Lumpur, Xi wuxuu sheegay in uu wado iskaashi istaraatiijiyadeed oo heer sare ah” oo qoto dheer ay u wanaagsan tahay danaha guud ee Shiinaha iyo Malaysiya labadaba, sidaas oo kale u wanaagsan nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka iyo adduunka”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Malaysia ee Bernama.
Booqashada Xi ee saddexda waddan fadiirntu waa isku mid waxaana Fariintu tahay “Beijing waa saaxiib u wanaagsan Koonfur-bari Aasiya marka loo eego maamulka qallafsan ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxaana ay ku soo beegmaysaa iyada oo dalal badan oo ka mid ah 10-ka xubnood ee Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) aanay ku faraxsanayn qaabka Maraykanku ula dhaqmay marka la eego canshuuraha badan ee uu ku soo rogay waddamada adduunka.
“Tani waa booqasho aad muhiim u ah, waxaad ka dhex akhrisan kartaa waxyaabo badan,” ayuu yidhi Mohamed Nazri Abdul Aziz, safiirkii hore ee Malaysia ee Maraykanka iyo wasiirka sharciga. “Shiinuhu waxay noo sheegayaan in ay yihiin shuraako ganacsi oo la isku halayn karo, in ka badan Maraykanka. Marnaba wax dhibaato ah kalamaanu kulmin iyaga,” Abdul Aziz ayaa u sheegay warbaahinta.
“Inta uu joogo PM Anwar, Malaysia aad ayay ugu sii dhawaanaysaa Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee Shiinaha, xidhiidhka ganacsiga iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa sii xoogeysanaya, labada dalna waa ay ka faa’iideysanayaan, ayuu yidhi safiirkii hore.
“Aad ayaan diiradda u saarnay Shiinaha, taasi waa maskaxdeena,” ayuu yidhi.
Washington ayaa Malaysia ku dhufatay boqolkiiba 24 tacriif ganacsi , iyada oo ku eedaysay inay ku soo rogtay 47 boqolkiiba badeecadaha Maraykanka la soo dejiyo, qiimo ay saraakiisha Malaysia diideen.
Trump ayaa dhawaan keenay in 90 maalmood la joojiyo canshuuraha ugu badan ee Maraykanka uu kusoo rogay dalalka caalamka. Taa baddalkeeda, waxay wajahayaan canshuur boqolkiiba 10 ah badeecadaha loo dhoofiyo Maraykanka. Taasi waa marka laga reebo Shiinaha, oo lagu soo rogay canshuur 145 boqolkiiba alaabteeda.
Xi ayaa ku sugnaan doona Kuala Lumpur muddo saddex maalmood ah, isaga oo la kulmi doona Boqorka Malaysia Sultan Ibrahim ibni Iskandar iyo Ra’iisul Wasaaraha Anwar Ibrahim oo uu ka qaybgeli doono xafladaha dawladda ka hor inta aanu u ambabixin Cambodia Khamiista.
Intii lagu guda jiray booqashadiisii hore ee Vietnam, Xi wuxuu ku booriyay Hanoi iyo Shiinaha inay “si wada jir ah uga soo horjeedaan in dunidu u xidh-xidhnaato kooxo gaar ah iyo in ganacsiga laga dhigo mid cid keliya ah ka faa’iido, waxayna ku dhawaaqeen dhaqaale oo aad u furfuran, loo dhan yahay, dheellitiran oo faa’iido u leh dhammaan,” wakaaladda wararka ee dawladda Shiinaha ee Xinhua ayaa werisay.
Trump ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press ka soo xigatay in uu sheegay in Shiinaha iyo Vietnam ay isku dayayaan sideen u kala jabin karnaa Maraykanka?
Booqashada Xi ee Malaysia waa qayb ka mid ah dadaal lagu “xoojinayo” aragtida ah in Shiinuhu uu muujin karo si uu u dhaafo Ameerika “, ayuu yidhi James Chin, oo ah borofisar cilmiga Aasiya ka dhiga Jaamacadda Tasmania ee Australia, iyada oo loo marayo nidaam caalami ah oo ah sida BRICS – ururka 10-ka waddan ee dawladaha ka kooban Brazil, Russia, India iyo China, iyo kuwo kale.
Waxa kale oo jira heshiiska ganacsiga xorta ah ee loo yaqaan ‘Regional Comprehensive Economic Partnership (RCEP)’ – oo lagu doodi karo kan ugu weyn adduunka – kaas oo dhammaan 10-ka waddan ee ASEAN ay xubno ka yihiin Shiinaha, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Australia iyo New Zealand.