Baanka Dhexe ee Somaliland oo Bilaabay Hawl-galka Xasilinta Suuqyada Sarrifka ee Dalka

0
98

Hargaysa (Dawan) Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilaabay hawlgal muhiim ah oo lagu xasilinayo suuqyada sarrifka dalka, taas oo qayb ka ah qorshe ballaadhan oo kor loogu soo qaadayo kalsoonida lacagta Shilling-ka Somaliland iyo sidii ay bulshadu ugu dhiiran lahaayeen isticmaalka lacagta dalkooda, qiimena loogu yeeli lahaa.

War qoraala oo Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ka soo saaray hawlgalkna lagu xasilinayo suuqyada safirka dalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Baanka dhexe ee Somaliland uu suuqyada sarrifka geliyay lacag adag oo caddadkeedu dhan yahay $4.6 Milyan oo Dollar, taasi oo Natiijada hawlgalkan suuqa lagaga soo xareeyay lacag dhan SLSH 49.4 Bilyan, si bulshadu u dareento hoos u dhaca ku yimaada suuqyada sarifka dalka.

Dhinaca kale Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in Tallaabadani uu qaaday ay keentay in qimaha lacagta Somaliland uu kor u kaco 1.7%, iyadoo uu qimaha Dollarku markii hore gaadhay 10,870 SLSH/USD, haddana uu hoos ugu soo dhacay 10,690 SLSH/USD.

Sidoo kale waxa lagu sheegay war-saxaafadeedkan in Korodhkan qiimaha Shilinka Somaliland uu caddeyn u yahay in suugyada isku beddelka lacaguhu ay si wanaagsan uga fal celiyeen tallaabada Baanka dhexe ee Somaliland, xilli laga soo kabanayo hoos u dhac dhagaale oo dalka ka jiray sannadihii udambeeyay.

Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sidoo kale fariin u diray bulshada, ganacsatada, iyo daneeyayaasha kale ee dhaqaalaha inay ku dhiirrigelinaynaa inay la shaqeeyaan Baanka Dhexe, isla markaana ay fahmaan in xasilloonida lacagtu ay tahay tir muhiim ah oo koboc dhaqaale lagu gaadhi karo.

Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u taagan ilaalinta xasiloonidda dhaqaalaha Qaranka iyada oo loo marayo xaqijinta nidaam lacageed oo deggen iyo la dagaallanka sicir bararka.

Gebo’gabadii war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Baanku uu sii wadi doonaa dedaalladiisa lagu xoojinayo qiimaha Shillinka Somaliland iyo ilaalinta Xasilloonida Suuqyada Lacagaha ee dalka, ilaa inta uu qiimaha sarrifku kagaadhayo heer deggen.