Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shalay ka qayb galay daah-furka Shir-weynaha heer qaran ee Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta JSL.
Shirweynahan dhaqanka Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa oo socon doona muddo laba cisho ah. Waana markii ugu horraysay ee Shir-weyne Dhaqan oo noociisa ah lagu qabto guud ahaan gayiga Somaliland, shirkan ayaa waxa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hormuud ka yahay Wasaiir Sheekh Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, kuna Wehelinayeen Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaaafinta.
Wasiirka Axmed yaasii Shekh Cali Ayaanle oo khudbad qiimo badan ka jeediyay shirwaynaha dhaqanka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Dhaqanku waa xabagta umade isku haysa oo aan kaga baadi soocanahay umadaha kale ee aduun yada ku nool, cidwalibana waxay leedahay Qarad iyo dhito ay umadaha kale kaga soocan tahay, inta aynu afkeena iyo dhaqankeena ku adkaanana waxa ku xidhan jiritaan keen aiyo umadnimo deena”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Ilkacase ayaa isaguna madasha khudbad ka jeediyayna waxaanu uu yidhi “Labada cisho ee uu socdo shirka dhaqanku ayaa layswaydin doonaa waxa uu dhaqanku yahay, afka soomaaliga halka uu maanta taagan yahay iyo halka uu Soddon sano ka hortaagnaa, waxa kale oo wax layska wadiin doonaa luuqada afka soomaaliga tignooljiyada soo korodhay iyo saamaynta ay afika somaliga ku leedahay”
Shir-weynaha Dhaqanka Somaliland ayaa ah shir diiradda lagu saarayo, isla markaana lagu lafa guri doono Hab-nololeedka iyo hab-dhaqanka Bulshada Somaliland, gaar ahaana arrimaha muhiimadda iyo mudnaanta u leh ummadda Somaliland xagga Dhaqanka, Hiddaha, Afka, Hal-abuurka, Suugaanta iyo Far-shaxanka.
Shirkan dhaqanka ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Somaliland, Wasiirro, Gudoomiyaha gobolka Marodijeex, Maayar Degmada Hargaysa, Xildhibaano, bahda dhaqanka, Abwaano, Fanaaniin iyo Marti sharaf kale.
Waxana intii shirku socday madasha lagaga hadlay milgaha iyo sharafta dhaqanka Somaaligu leeyahay, sida ay umad kastaa u ilaashato dhaqankooda iyo hagahooda soo jireenka ah iyo sidoo kale ilaalinta jiritaanka Afka Hooyo, kaasi oo ah sumadda iyo sawraca Bulsho lagu garto.
Dhaqanka ayaa ah ruuxda bulshada, seeska abtirsiinaha, sawraca ummadda, waana dunta inagu tosha jiilashii inaga horreeyey si aynaan u kala halaabin ama u kala amban, sidoo kale waa jiheeyaha inagu hagaya qiyamkeenna, hab dhaqanka iyo diinteenna suuban, waana dhaqan ku aroora sooyeelkeena xoolo dhaqatada iyo noloshii baadiyaha.
Gabagabadii Shirka dhaqanka ee maalintii shalay laga daah-furay magaalada Hargaysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddada labada maal mood ah ee uu socda waxa lagu lafa guri doonaa, Ahmiyadda Dhaqanka iyo Hiddaha, Guurka iyo Dhaqanka, Qabyaaladda iyo Takoorka, Casriga iyo saamaynta Dhaqanka, Garta iyo Dhaqanka, Afka iyo suugaanta, Xoolaha, Beeraha iyo Sooryada, Barbaarinta Carruurta iyo Dhaqanka, Siyaasadda iyo Dhaqanka.