Khubarada Sayniska ayaa daraasad ay sameeyeen waxay ku cadeeyeen in Shimbirka Tukuhu uu maskaxdiisa ku xisaabiya arimo kala duwan, iyadoo u leeyahay goobo maskaxdiisa ka midย ah oo u qaabilsan xisaabta.Khubaradan ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in uu wax u xisaabiyo sida dadka oo kale, iyada oo la barbar dhigay xayawaano kale oo uu ka mid yahay daayeerka loo yaqaano Chimpanzee-ga, gaar ahaana nooca loo yaqaano Orangutan oo ah mid ka mid ah Chimpanzee-ga, waxa kale oo isaguna liiska ku jira daayeerka kale ee loo yaqaano Apes oo la sheegay inuu aad u maskax badan
Khubarada ayaa isku deyay in ay ogaadaan inta minute ee uu shimbirkani wax xisaabin karo,
Waxa kale oo ay intaasi ka dartay warbixintu in shimbirka Tukuhu awoodo inuu xifdiyo tirooyinka laga soo bilaabo 1 ilaa 9, kuwaas oo ah inta ilaa hadda la ogaadey , iyada oo laga yaabo inuu awood u leeyahay ariimo ย kalena inuu qabto.
Waxa kale oo Jaamacadda Washington daraasad ay samaysay ku cadaysay in Tukuhu ka duwan yahay Shimbiraha kale isagoo farxadda iyo murugda kala mid aha Aadamiga.
Tukuhu dhinaca kale sida Quraanka cadeeyay waa macalinka Aadamiga baray in qofkooda dhinta ay aasaan.