Xikmadaha

0
88
  • Ha sheegin wax kasta oo aad taqaan, laakiin waa inaad taqaan wax kasta oo aad sheegayso.
  • Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu qadariyaan
  • Ha qaadan go’aamo degdeg ah, laakiin in badan ka fikir oo talooyin qaado.
  • Ha werwerin laakiin in badan hubso tallaabada aad qaadays, ee mustaqbalka ah.
  • Noloshu waa salaan, ma kori kartid haddii gacnataadu jeebadda kuugu jirto
  • Wakhtiga adag kaga gudub sabir iyo dulqaad.
  • Shaqooyinka waaweyni xoog laguma qabto laakiin waa aqoon, adkaysi iyo sabir.
  • Sabirku waa dhaqan wanaagsan, waxa uu ku baraa dulqaadka. Waana cashar adag, waana furaha guusha.
  • Iskajir denbiyada iyo macaasida , iyaga ayaa keena Hammiga Iyo Murugada, iyaga ayaana fura albaabada belaayada.

Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka