Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee sicdaalka shaqo ku tagay shalay.
Sidoo kale, Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Weftigii uu hogaminayey , waxa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Weftiga Madaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa ka mid ah Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, Wasiirka Maalgashiga iyo Horumarinta Wershadaha, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliyaha Hayโadda Sirdoonka Qaranka iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo booqashadiisa Jabuuti qaadan doonto saddex maalmood waxa ay labada dal ku xoojin doonaan iskaashigooda iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal. Waxaanu socdaalka madaxweynaha JSL ka dhashay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
ย
ย