Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Gobolka Daad-madheedh Ka Fulisay Hawl-gallo Lagula Dagaalamayo Dhuxulaysiga

0
78

Dhibaatadda dhuxulaysiga iyo jarista dhirta qoyan ayaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay dhibaatooyinka haysta deegaamadda dhulka Somaliland gaar ahaana meelaha dhirta waaweyni ay ka baxaan, kuwaasoo laga shito dhuxusha.

Inkastoo xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland gaar ahaana wasaaradda deegaanku ay dedaalo badan geliyeen sidii wax looga qaban lahaa jarista dhirta ayaa hadana waxaa weli sii socda hawlaha dhuxusha. Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa todobaadkan hawl gallo lagu dagaalamayo dhuxulaysiga ka fulisay meelo ka tirsan gobolka daad-madheedh.

Sidoo kale qorsheyaal la doonayay in hoos loogu dhigo isticmaalka dhuxusha ee magaalooyinka dalka oo ay wasaaradda deegaanka Somaliland fulisay ayaan wax badan ka badan ka bedelin dhibaatadda ak taagan dhuxusha.

Waxaana loo diyaariyay bulshadda si ay u helaan wixii ay dhuxusha kaga maarmayeen Gaasta cuntadda lagu karsado, taasoo qiimo dhimis balaadhan ay xukuumadu ugu samaysay ganacsatadda soo dhoofiya marka ay ka soo degayaan dekadhaa dalka, si ay bulshadeenu u helaan dhuxusha oo la ogaaday in ay qayb ka qaato xaalufka iyo isbedelka cimiladda ee dalka ka jira.

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo gobolka Daad-madheedh ka fulisay hawl gallo lagula dagaalamayo dhuxulaysi si xawli ah uga socda deegaankaasi.

Cabdi-khadar Odowaa xaaji Obokor, isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Daad-madheedh, ayaa soo baabiiyay dhuxul laga shiday deegaanka Bali Caraale, halkaasoo uu isku-duwaha gacanta ku soo dhigay raggii shidayay dhuxushaasi.

Isku-duwaha ayaa fariin adag u diray cid kastoo ku hawlan jarista dhurta iyo shidista dhuxusha, ee gumaadka ku haysa dhirta qoyan ee manaafacaadka u leh dalkeena. Waxaanu sheegay isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Daa-dmadheedh in kadib markii la soo gaadhsiiyay xog lagu wargelinayya hawlaha dhuxulaysi in ay ku baxeen meelaha dhuxushaasi laga shidayay.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu fulinay hawl gal ah xaqiijinta ilaalinta deegaanka. Halkan aanu joognaa Bali Sahal, iyo tuuladda Caraale, dhexdeedda  halkaasoo aanu ku soo qabanay dadkii dhuxushan shidayay, kadib markii aanu xog la na soo siiyay ku soo baxnay, dadkii dhuxushan shidayay waanu haynaa, ee dhirta sidan xun u dhibaataynayay. Waxaananu marin doonaa sharciga ee u tudhi mayno. Ragani waxay ka mid yihiin rag dhawr jeer oo hore la qabtay oo la xidhay,

Halkan waxaan digniin uga diarayaa cid kastoo ku hawlan shidista dhuxusha, waxaanan u sheegaynaa in aanu sharciga marin doono cid kastoo hawlahaasi lagu qabto, habeen iyo maalin ba heegan baanu u nahay sidii aanu deegaanka u bad-baadin lahayn. Dadka hawlaha faraha kula jirana waxaanu leenahay faraha kala baxa, in badana waanu idiin dignay, maantana waanu idiinku celinaynaa”.

Isku-duwaha iyo masuuliyiinta kale ayaa halkaa ku gubay Godad lagu shidayaydhirta qoyan ee  la soo jraya ee dhuxusha laga dhigayay, godadkaasi oo ay tiradoodu dhamayd ilaa afar god oo ay dadka dhuxulaysatadda ahi isticmaalayeen.

Qaybta labaad iyo qormadeena DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qodobo muhiim ah oo lagaga hadlay shirka todobaadlaha ah ee Agaasime-Waxeedyada wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL.

Shirkaasi oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qabanqaabada xuska Maalinta Deegaanka Adduunka oo ku beegan 5-ta Juun 2025, taasoo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso, iyadoona isla dalka jamhuuriyadda Somaliland uu ka mid yahay meelaha sida weyn looga xuso maalinta deegaanka adduunka.

Shirkan waxaa guddoomiyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Dr. Maxamed Aw Daahir, iyadoo ay ka qeyb galeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdi Cali Mahdi, iyo Agaasime-Waxeedyada kala duwan ee Wasaaraddaasi.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer loo falan qeeyay:

-Qaabka ugu habboon ee loo xusi karo Maalinta Deegaanka Adduunka;

-Istaraatiijiyadda wacyigelinta bulshada ee la xidhiidha ilaalinta deegaanka;

– Kordhinta iskaashiga lala yeesho warbaahinta si sare loogu qaado wacyiga bulshada ee arrimaha deegaanka la xidhiidha.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd sidii loo abuuri lahaa qorshe mideysan oo ay Wasaaraddu uga faa’iideysan karto fursadda Maalinta Deegaanka, si loo gaadho ujeeddooyin wacyigelineed oo ballaadhan.

Wasaaradda Deegaanka ayaa rajeyneysa in xuska sanadkan uu noqdo mid ka turjumaya muhiimadda ilaalinta deegaanka iyo ka qayb qaadashada bulshada ee daryeelka deegaanka.

Geesta kale qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Cabdi Cali Maxamed,  oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Aadan Axmed Xasan, ayaa safar shaqo ku tagay buurta Siimoodi ee gobolka Awdal, oo ah deegaanada ay macadan qodistu ka socoto.

Buurtan Siimoodi, ayaa muddooyinkii u danbeeyey laga fulinaya hawla macdan qodis, taas oo keentay in la sameeyo qiimayn dhameystiran oo ku saabsan saamaynta deegaanka soo gaaadhi karta.

Ujeeddada safarkan ayaa ahayd in si toos ah loo kormeero goobaha qodista, lana sameeyo Qiimaynta Saamaynta Raad-reebka Deegaanka (Environmental Impact Assessment – EIA) si loo ogaado heerka ay qodista macdantu u saameysey deegaanka ku xeeran, noolaha dabiiciga ah, iyo bulshada deegaanka.

Sidoo kale agaasimaha  Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Cabdi Cali Mahdi, oo ay weheliyo agaasimaha Waaxda Ilaalinta Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Aadan Axmed Xasan, ayaa safar shaqo ku tagay deegaanka Agabar ee gobolka Gabiley.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada wasaaraddu ku doonayso in lagu hubiyo ilaalinta deegaanka iyo u hoggaansanaanta sharciyada deegaanka ee la xidhiidha qodista macdanta.

Ujeedada Safarkan ayaa ku saabsanayd in si toos ah loo kormeero goobaha laga qodayo macdanta, lana qiimeeyo saameynta ay ku yeelanayaan deegaanka ku xeeran iyo in la sameeyo warbixin rasmi ah oo ku saabsan Qiimaynta Raad-reebka Deegaanka (Environmental Impact Assessment – EIA).