Wasiirka Maaliyadda oo Xaqiijiyey in Dakhliga Qaranku Korodhay

0
96

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Somaliland Md. Cabdillahi Xasan Aadan ayaa shaaca ka qaaday in dakhliga qaranku korodh samaynayo, sidaana waxa uu ka sheegay wasiirku fadhigii 21-aad ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi shalay ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradaha Maaliyadda iyo Macdanta iyo Tamarta ay si wadajir ah u dejiyeen Hagaha Dakhliga Khayraadka, si loo ogaada xaddiga Dakhliga ka soo xerooda macdanaha kala duwan ee dalka.