Nebi Nuux (cs) waxa uu hal mar keliya u dhawaaqay xayaawanada kala duwan inay Doonida soo koraan, isla markiibana way wada aqbaleen.
Aadamigana waxa uu dhawaaqayay 950 sano, waa ay diideen waxaana ay ka doorteen halaagii iyo in ay biyaha ku haftaan. Dareenka caafimaadka qaba ayaa ka wanaagsan, maskaxa Buka.
Nebi Ibraahim (cs) waxa uu u sheegay wiilkiisa Ismaaciil in uu doonayo in gawracayo waana uu aqbalay markiiba. Laakiin Nebi Nuux (cs) waxa uu wiilkiisa ugu yeedhay in uu Doonida soo raaco si u badbaado waana uu diiday oo halaagsamay.
Baarinmada Ubadka qaarkood waa mid yaab leh, sidoo kale caasinimad Ubadkuna waa mid cajiib ah. Mid waxa uu ogolaaday in Aabihii gawraco, midka kale waxa uu diiday iyadoo aabihii ugu yeedhayo in u badbaado. Ubadka baariga ahio waxa uu sameeyaa waxa kasta oo waalidkiisu rabo in uu qabto xataa haddii ay isaga geeridiisa sababayso, ka caasiga ahina wax kasta oo waalidku u sheego ma ogolaado in uu qabto xataa haddii isaga ay badbaadinayso