Nacdashu waa qofka oo naxariista Alle laga fogeeyo. Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee carrabku barto, kana mid ah dembiyada waaweyn ee uu Nebigu (scw) ka reebay ummada, ugana digay. Abuu Dardaa’ (Alle haka raalli noqdee) waxaa uu Nebiga (scw) ka wariyey inuu yidhi: “ Marka uu addoonku wax naclado, nacdashu waxay u baxdaa samada, ka dib albaabbada Samada iyo daaqadaha ayaa laga xidhaa, markaasay dhulka ku soo noqotaa, dhulkuna albaabada ayuu ka xidhaa, ka dibna midig iyo bidix ayey u dhaqaaqdaa, waxay weydaa meel ay ka baxdo, ka dib waxay u dhaqaaqdaa qofkii lagu ganay ama la nacladay, hadii uu mutaystay ama uu xaq u leeyahay way ku dhacdaa, haddii aanu galabsan waxay ku soo noqotaa qofkii ganay ama afkiisa ay ka soo baxday, isaga ayey fadhidaa”. “Tani waa digniin adag oo ku socota ruuxii wax naclada ee naclada qof aan mudnayn in la naclado, maxaa yeelay nacdashu waxay gaadhaa samooyinka iyo dhulka, jihooyinka midig iyo bidix, markay intaas oo dhan ka soo noqoto doonto qofkii lagu tuuray haddaanu mutaysan in la naclado waxay ku noqotaa qofkii ganay ama ku dhawaaqay.
Siirada Nabiga waxa ku jira xaalado badan oo tilmaamaya in Nebigu (scw) uu reebay kana digay in la nacdalo qof muslim ah, xoolaha in la nacdalo, wax kasta oo aan mudnayn la nacdalo xitaa dabaysha.
Nebigu waxa uu sheegay in sifooyinka Muuminka aanay ku jirin Nacdasha, habaarka, xanta iyo carrabka dheer. Xadiis uu warinayo Cabdullaahi ibn Mascuud, Eebbe haka raalli noqdee, in Nebigu (scw) yidhi: ( Mu’minku maaha mid wax xanta, mana aha mid wax naclada, mana aha faasiq, iyo mid carrab dheer ). Xadiis kale Nabigu (scw) waxa uu ku yidhi:- “Ha ku nacladina dadka cadhada Eebbe, iyo naarta” . Waxaana macneheedu yahay ama ay ka dhigan tahay in aydaan is nacdalin, iyada oo uu qofba qofka kale ku odhanayo Nacdasha ama cadhada Ilaahay kugu dhacday ama ‘Ilaahay naarta ha idin geliyo.
Xitaa kuwa wax nacdala Aakhiro ma helayaan shafeeco, sida uu tilmaamayo xadiiska uu Abuu Dardaa ka wariyey Nebiga, Abuu Dardaa uu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulka (scw) oo leh: “Kuwa wax nacdala shahaado ma qaadanayaan isla markaana shafeeco ma helayaan maalinta qiyaame ”. Macneheedu waxa weeye lama aqbalayo maraggooda faasiqnimadooda darteed, sidaas oo kalena Lama siin doono shahiidnimo. Sidaas oo kale Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “ kuma haboona qofka rumeeyey inuu noqdo mid wax nacdala”. Muuminiinta waxa la faray sifooyinka iyo akhlaaqda ah inay dhexdooda isu naxariistaan, oo ay isu kaashadaan wanaag iyo Alle ka cabsiga, waxaana muslimiinta laga yeelay dhismo midba midka kale adkaynayo. Sidaas oo kale qofba waxa uu naftiisa la jecel yahay waa in uu walaalkii muslimka la jecel yahay. Waad jeceshahay naxariista Ilaahay, sidaa awgeed maxaad walaalkaa naxariista Ilaahay ugu diidaysaa. Marka aad nacdalayso sidaaas ayey la mid tahay.
Nebigu xitaa waxa uu diiday in Nimcooleyda ama xoolaha la nacdalo. Hadii nacdal lagu gano nimcooleyda xalaal ma noqonayaan sida uu inoo sheegayo xadiiska Nebigu. Cimraan Binu Xuseen waxa uu yidhi “Anaga oo la socona safaradii Nebiga mid ka mid ah, waxa jirtay Haweenay nacdashay hal ay saarayd oo ay saluugtay socodkeeda, waxa maqlay Nebiga waxa uu yidhi “Ka qaataa waxa dusheeda saaran oo iska sii daaya, way nacdalan tahay’e”. Cimraan Binu xuseen waxa uu yidhi “Waxaan ku arki jiray iyada oo dadka iska dhex socota oo aan cidina u soo bixin”.
Yayay bannaan tahay in la nacdalo?
Quraanku wuu sheegay cida la nacdalayo, sida Shaydaanka, Daalimiinta, kufaarta, Yuhuuda, Munaafiqiinta, Beenaaleyaaasha iyo ciddii kale ee mutaysatay. Axaadiistana sidaas oo kale waxa ka sugnaatay inuu qaybo badan nacdalay. Waxa uu yidhi “Nacdasha Ilaahay ha ku dhacdo ta timaha tidicda eek u xidhiidhisa timo kale oo been abuur ah, sidaas oo kale nacdali ha ku dhacdo ta u samaynaysa”. Wuxuu kale oo nacdalay kuwa ribada cuna, kuwa waxa sawira, sidaas oo kale kuwa dhulka calaamadihiisa ama xuduudihiisa beddela. Wuxuu nacdalay Tuuga saqajaanka ah waxa uu yidhi “Nacdali ha ku dhacdo tuuga xadaya Beedka ama Ukunta”. Wuxuu kale oo uu nacdalay qofka waalidkii nacdala, wuxuu nacdalay qofka cid aan Ilaahay ahayn wax u gowraca. Kuwa diinta wax aan jirin ku soo dara, sidaas oo kale dumarka ragga isu eekaysiiya iyo ragga dumarka isu eekaysiiya. Nebigu waxa yidhi “La iima soo saarin in aan wax nacdalo, laakii waxa la soo saaray Naxariis. Muslim ayaa wariyey.