Qore Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Laga soo bilaabo markii xukuumadd cusub ee wadajir iyo waxqabad xilka la wareegtay waxay qaadey tallaabooyin wax ku ool u ah dhismaha ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriaydda Somaliland.
Waxa laga soo bilaabey dib u habeynta, tirikoobka iyo qarameynta ciidamadii madaniga ahaa ee ku sugnaa gobollada bari ee dalka.
Markii la dhammeystiray tirikoobkii iyo qarameyntii, waxa loo gudbey wajiga labaad ee daryeelka ciidamada, waxaana loo kordhiyey bishan lixaad mushaharkii, kaas oo qayb ka ah dib u dhiska iyo kor u qaadista nolosha iyo niyadda ciidanka.
Tallaabada xukuumaddu qaaddey ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ciidamada dib u habeyntooda iyo daryeelkoodu waxay tahay tiirka kowaad ee Qaranka JSL ku naaloonayo, isla markaana goor kasta oo la horumariyo daryeelka nolosha ciidamadu, waa mark kasta oo Qaranku ku tallaabsanayo guul meesha ka saareysa in ciidanku dayac tabo ama niyad jabo oo uu dareemo in aanay cidina danaynayn duruufaha nololeed ee u gaarka ah.
Maanta ciidamada JSL, waxay og yihiin inay yihiin awood iyo tamar iyo dhaqaale, wax kasta oo dalku u heli karo in loo hurayo, xukuumadooduna la barbar taagan tahay waxkasta oo awoodeeda ah, taas oo ciidamada u noqotay yididiilo hor leh iyo niyad wanaag ay kula kowsadeen xukuumadda cusub ee wadajir iyo waxqabad.
Markasta oo Qaranku u hawlgalo horumarinta ciidamadiisa kala duwan waxay xaqiiqadu tahay inuu ka badbaado cadow dibedeed, cadaalad darro iyo amni laโaan, waana saddex tiir oo ciidamadu uga masuul yihiin dawladda.
Daryeelka ciidanku waa tiirka kowaad ee dowladnimada, duruufaha wakhtigana iyada oo la ogsoon yahay haynteenu halka ay taagan tahay, haddana mudnaanta koowaad marka la siiyo ciidamada waxaynu ku tallaabsan doonaa hirgelinta guulaha Qarankeenu ku hamiyayo.