Aradna waa dan, uskagna waa doqoniimo.

0
102

Ficil iyo fal kasta oo la sameeyaa waxaa looga midho-dhaliyaa

joogteyn,Joogteyntaas oo ka turjunta wax-qabad. Wax-qabadkaas oo noqda

horumar waara oo la taaban karo, waxaa fajac iyo amakaag ah, in ummad

Sheeganeysa Diin iyo Dhaqan hadana fahmi kari la’a in nadaafadu tahay

Iimaanka badhkii, hadana ka dhoohan falka iyo ficilka loo baahaan yahay

In nadaafadu noqoto alifka iyo abjadka ummadan oo ay kaga duwanaato

Kuwa kale ee aan Diinta lahayn, ma wax caqligga oggolaan karaa

In dadkii gaalada ay kaa nadaafad iyo bilic bataan?

Mise Diintaadu waa dhallanteed? Hadii aynu dib isu jaleecno ama dib isu eegno,

waxaynu taaban kareynaa, in waxaynu leenahay iyo wax-qabadkeenu

kala fogyihiin oo ay yihiin kaaf iyo kala-dheeri, waxaan marag iyo markhaatiba

u baahneyn inaynu awoodi weynay, inaynu billicda magaalada iyo bed-qabka

Deegaanka aynu ku noolnahay ka shaqeyno oo ay ugu horeyso nafteena,

guryaheena,xafiisyadeena,cisbitaaladeena iyo dhammaan wadanka quruxdiisa.

Bal ka warama quruxda la sheegaba haddii ay tahay nadaafada?

Waa hubaaloo, shaki kuma jiro in quruxda la sheegaba ay tahay

nadaafada iyo faydhowrka cuntadeena oo soo galeysa bed-qabka

Qofka,Qoyska iyo Qaranka.Si kastaba ha snoqotee, waxaa haboon oo mudan

in lays dultaago, in wadankeenu yahay wadan nadaafadiisu

aad u liidato oo  ay ugu wacan tahay wacyi la’aanta shacabka,

si kasta oo loo nadiifiyaa ama loola tacaalaaba, hadii kolkii la nadiifiyo

Isla markiiba la uskakeynaayo waa hal bacaad lagu lisay.

Kolkaa, waxaa haboon ama quman in wacyiga nadaafadeed

Ee shacabka kor looqaadaa oo goorawlba iyo goobwalba

Loogu cel-celiyaa in nadaafadu tahay shayga ugu muhiimsan

Ee waxtarka u leh bed-qabka qofka,qoyska iyo qarankaba.

Taasina waxay ku suurtagaleysaa, joogteynta wacyi-galinta

Nadaafadeed oo ah dan guud oo ka dhaxeysa ummada,

Ka shaqeynta masuuliyadeed ee shakhsi ayaa ah wacyiga

Ugu sareeya ee lagu gaadhi karaayo guulaha wacyigalineed

Ee qaranka, waxa ugu muhiimsan ee in ummada la baraa

Ay biyo kama dhibcaan tahay in shakhsi walba ay masuuliyad

Gaar ah ka saaran tahay nadaafada guud iyo ta gaarka ah.

Iyadoo loo sii maraayo wacyigalinta halku dhigeedu yahay

“Nadiifi waa wax wanaagsan laakiin ha uskageyn baa kasii wacan”

Tanina waxay ku imaneysaa in shakhsi walba ay gaadho

Fariinta ama wacyiga in uu tiisa meel saaro, oo fahamkiisu

Noqdo mid bisel ama u nugul in uu halka uu kaga beegan yahay

Kasoo baxo, isagoon cidi dirin, is-dirida ama iskaa wax-u- qabsiga

Ayaa ah horumar ay ummadi gaadho ka ugu sareeya ee ay ku

Faanto, mana noqdo waxyi kusoo degga shacabka ee waa

Heer la gaadhsiiyo iyadoo loo maraayo marinadda wacyigalineed.

Wacyigalintaas oo noqota mid la joogteeyo si ay u noqoto wax-qabad

Horumarineed oo waara.

Qoraa Yaasiin Daahir Cumar