Qore Khadar M. Dhako
Gabilay (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Wefti ballaadhan oo uu hogaamiyay ayaa shalay gaadhay Magaalada Gabilay ee xarunta gobalka Gabilay.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftiguusu markii ay gaadheen magaalada Gabilay waxa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobalka Gabilay Maxamed Cabdillaahi Jaamac Bookh ,Maayarka Magaalada Gabilay Cabdirashiid Haybe Faarax, Xoghayaha Dawlada hoose ee Magaalada Gabilay, waxgaradka Gobalka Gabilay, cuqaasl iyo haldoor kale oo tiro badan.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftigan uu hogaaminayay ayaa uga sii gudbay Magaalada Gabilay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobalka Awdal. Waxaana Madaxweyne ku xigeenka Socdaalka ku wahelinayay xubno ka mida Xukuumadda.




















