Xikmadaha

0
394
  • Aqoontu qiime ma leh, haddii aanay bedelin dhaqankaaga
  • Haku mashquulin dunidan burburaysa, adigoo iloobaya Aakhirada waarays
  • Cadawga ugu weyn ee naftu waa Jacaylka maalka iyo mansabka.
  • Qofka aan naftiisa xukumi Karin, cid kale ma xukumi karo.
  • Cilmigu waa geed, camalkuna waa midhiisa.
  • Qofka akhlaaqdiisu liidato, maalka iyo quruxda ma anfcaan
  • Naftaada ku mashquuli xaqa, haddii kale baadilka ku mashquuli
  • Qalbigu wuxu u baahan raashin ka badan , ka uu jidhku u baahan yahay

Dugsigu wuxu ku baraa casharo , ka dibna wuu ku itixaama, laakiin Noloshu way ku imtixaantaa markaasi ayay wax ku bartaa. Marka Dariiqa uu marayo Caajisku waxa raaca Fakhriga ama saboolka