Halista Khurafaadka Diiniga Ah!

0
354

Erayada khuraafaad iyo aqoon ama xaqiiq cilmi ah, waxay ka mid yihiin is diidooyinka ugu waawayn ee caalamka ka jira. Meesha midkood laga helo kan kale ayaa ka maqan.

Khuraafaadku waa aaminaad fikrad ku saleysan khayaali oo aan lahayn sabab maskaxeed oo macquul ah taasi oo ku saleysan cilmi iyo aqoon.  Khuraafaadku waxay xidhiidh la leeyihiin sooyaalka taariikhda Aadmiga. Waana aaminaad aan caqli gal ahayn, waxaana ay noqon karaan kuwo diin ahaan loo aamino iyo kuwo dhaqano laga dhigto, dhamaantooda Aadamiga waxay ku keenaan dhibaato, madaama aanay ahayn kuwa aaminsan kuwo caqli ahaan u fikiraya.

Erayga khuraafaad marka la qeexayo waxax lagu macneeyaa inuu yahay ka fogaanshaha xaqiiqda iyo aqoonta, waa rumaynta fikrad aan waaqaca la jaan qaadi karin, waana keenidda xal aan caqli ku fadhiyin.  Dadka aamisan khuraafaadka in caalamka dahsoon uu ka saamayn badan yahay kan muuqda.

Islaamkuna qofka waxa uu baray xaqiiqda nolosha iyo in aan laga baqan Allah (sw) mooyee wax kale.

Halka Dadka Khurafaadka aaminsani ay nolosha u aaneeyaan quruumo hoose oo awood leh inay saamayn ku leeyihiin nolosha, guusha iyo caafimaadkaba dadkaba..

Taariikhdu marka ay ahayd 26ka bisha March, sanadkii 1997, waxa gobolka California, ee dalka Maraykanka ka dhacday is dilkii iyo dhimashadii xertii la magac baxday “ Sky Gate” Xerta Alaabka Samada.

Kooxdan  waxaa aasaasay khurafaadle lagu magacaabo “Marshall Haite” oo ka dhaadhiciyay  inuu ku mid yahay dadka ku abtirsada Nebi Ciise (cs), isla markaana loo baahan yahay inay dhintaan si ay Nebi Ciise (cs) ugu tagaan, iyagoo marka ay dhintaan raaci doona markab, Alabaabka samada ka gudbinaya ka dibna ay Janada geli doonaan.

Dadkan oo tiradoodu dhamayd 39 qof ayaa intaasi ka dib cunay kiniin maskaxda shaqadeeda yareeya, haddii laga badiyo qiyaasta loogu tala galayna shaqadeeda joojiya. Muddo yar ka dibna dadkaasi ayaa wada dhintay mar keliya.

Xerta kale oo iyaduna la magac baxday Macbadka Cadeeda ““Sun Temple” waxa asaasay nin lagu magacaabo Joseph De Mamboro sanadkii  1984, waxaana ay ka hirgashay dalalka Kanada iyo Switzerland

Kooxdani waxay rumeysanaayeen in dunida ay ka dhacayso masiibooyin waaweyn oo fara badan oo caalami ah tan iyo inta gaadhayo 1990, iyo in dhimashadooda ka dib ay  iyagu noqon doonaan xidigaha samada. Kooxdan 74 qof oo ka mid ahaa xertiisa  ayaa mar keliya is wada dilay, iyagoo wakhtigaasi aaminsanaa inay ka badbaadayaan Munaafaqnimo iyo cadaalad darro dunida ka jirta. Qofka Aadamiga ahi waa inuu maskaxda ka shaqaysiiy, iyadoo waxa aan dhici karin uu qof kale oo la mid ah ka rumaysanayo, isagoo aan weydiin cadaymo.