Waa habeen aad u qabow oo daโyo roob xoog badani. Dadka intooda badani waxay siteen dalaayadaha roobka ka celiya. Inkastoo cimiladu baraf ahayd haddana waxa jiray nin miskiin ah oo xidhnaa dhar duug ka sekow haddan hun ah, waxaana u fadhiyay goob yar oo huteelka ka mid ah isagoo ka dugsanaya dhaxanta iyo roobka isku lammaan.
Diiftu waxay ka muuqatay korkiisa, habeenkaasi indhihiisana ilmo ayaa qubanaysay, naxariis haba joogtee dadka qaarkood ayaa ku dhaliilayay hunka uu xidhan yahay iyo meesha uu fadhiyo.
Markii ay macmiisha qaarkood dhibsadeen odaygan baahidu korka uga soo baxday, waxa ku soo dhaqaaqay madaxa soo dhowaynta huteelka oo u sheegay in aan halkan looga baahnayn dad darwarsada oo sidan u fool xun, isla markaana wuxu ku amray inuu debeda uga baxo huteelka uu iska soo galay.
Odayga ayaa ka codsaday inuu la daayo inta roobku qaadayo laakiin taasi kama yeelin, isagoo aad uga cadhooday hadalkiisa, waxaana uu isu diyaarinayay tallaabada xigta uu qaadayo mar hadduu dhega adayga muujiyay miskiinka macmiilku dhibsaday. Markii uu arkay Odaysgii faqiirka xaaladu halka ay marayso ayuu soo saaray muftaaxa B1 oo ah qolka ugu qaalisan huteelka ee ujeeda dhinaca webiga, iyo inuu yahay ninka qolkaasi kiraystay.
Ninkii shaqaalaha ahaa aad ayuu u naxay, waana argagaxay. Ninkii uu muuqday saboolka daโda ayaa madaxa huteelka ku yidhi โ Huteelkiina waxaan kaga baxaya muddo 30 daqiiqo ah, ii diyaari gaadhigaygii Rice-ka ahaa.ย Madaxa soo dhowaynta huteelka oo weli jawaabi aanay ka soo bixin oo u qaadan waayay xaqiiqda hortiisa taalla iyo dharka uu xidhan yahay isagoo hoos u leh โ xataa dadka nadaafadda ka sheqeeyaa ma xidhaan dharkan uu xidhan yahayโ.
Ninkii odayga ah wuxu iska galay qolkiisi, waxaana uu iska soo bedelay dharkii , waxa uu soo xidhay dhar aad u qurux badan iyo kabo qaali ah, ka dibna wuu soo baxay isagoo koray gaadhigiisa oo diyaar u ahaa.
Intaasi ka dibna waxa uu yeedhayย madaxa soo dhowaynta isagoo gaadhigiisa fuushan waxaana uu ku yidhi โ imisaad mushahar u qaadataa?
Shaqaalaha 3 kun doller.ย Ninka: Makugu filan tahay ?ย Shaqaalaha: Maya aad iiguma fila. Ninka: Ma u baahan tahay in aan ku caawiyo? Shaqaalaha: Sidee ayaanan ugu baahnayn mudane. Ninka: Oo soo digii hadeer lahaa halkan waa ka mamnuuc dawaradu? !
Ninka ayaa hadalkiisa ku soo xidhay โ waad hoogteen, dadka waxaad ku kala saraysiisan hantidooda, Waxa xumaan ka nasahan Allaha muddo kooban ku bedelaya dhaqanka iyo akhlaaqda qofka.ย Anigu Waxaan sanad kasta wakhtiga qaboobaha sameeya sidan si aan u dareemo nolosha saboolkaย iyo sida ay ula dhaqmaan dadka aan akhlaaqda wanaagsan lahayni dadka baahan. (Wargeyska Alwaaqac)
ย