Iran iyo Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa inay ku heshiiyeen xabbad joojin ka dib 12 maalmood oo ay isweydaarsanayeen duqeymo cirka ah oo xooggan, oo ay ku jiraan “daqiiqadii ugu dambeysay” oo ay riday Tehran.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii Salaasadii shalay ku sheegay in Israa’iil ay aqbashay soo jeedinta xabbad joojinta ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump habeennimadii. Goor sii horeysay, talefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in xabad joojinta ay bilaabatay.
Hadalka Israel ayaa yimid wax yar ka dib markii Trump uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada in xabad joojinta ay socoto.
“Xabbad joojintu hadda waa ay hirgashay. Fadlan ha jabin!” ayuu yidhi.
Inkasta oo Netanyahu uu ku hanjabay in Israa’iil ay si adag uga jawaabi doonto xadgudub kasta oo lagu sameeyo xabbad joojinta, haddana heshiiska ayaa sare u qaadaya rajada laga qabo in la dejiyo colaadda si weyn u sii xoogeysatay maalmihii la soo dhaafay, iyada oo Maraykanku uu duqeeyay xarumaha Nukliyeerka ee Iran, Tehranna ay weerartay saldhigga Maraykanka ee Qatar .
“Iyada oo la eegayo gaadhitaanka ujeedooyinka hawlgalka, iyo wada shaqayn buuxda oo lala yeesho Madaxweyne Trump, Israa’iil waxay ogolaatay soo jeedinta Madaxweynaha ee xabbad-joojin laba geesood ah,” ayuu yidhi.
Nabad jilicsan ayaa u muuqatay inay qabsatay aroornimadii Salaasadii, iyada oo wararka sheegaya in colaaddu ay joogsatay ka dib lix mowjadood oo gantaal ah oo ay ridday Iran.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Arakchi ayaa si maldahan u sheegay in duqaymaha ay bilaabeen wax yar ka hor 07.30 GMT ee kama dambaysta ah ee uu ku dhawaaqay Trump.
“Howlgallada militari ee ciidamadeena xoogga badan ee lagu ciqaabayo Israa’iil gardarradeeda ayaa socday illaa daqiiqaddii ugu dambeysay,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada.
Dhowr qof ayaa lagu dilay weerarradaas, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka iyo militariga Israa’iil. Wax yar ka dib, Israa’iiliyiinta ayaa loo sheegay inay ka bixi karaan hoyga gantaallada, lamana soo sheegin gantaallo kale. Warbaahinta Tehraan, ayaa sheegaysa in duqeymaha Israa’iil ee caasimadda ay joogsadeen, waxa la dareemay xasillooni iyo tilmaan rajo leh oo ku saabsan rajada xabbad-joojinta”.
Laakiin xaaladdu weli jilicsan tahay, iyada oo Iran, sida Israa’iil oo kale, ay ballan qaaday inay dib u weerari doonto haddii ay dib u soo laabtaan weeraro ka dhan ah.
Dhinaca kale, dadka mayalka adag ayaa dhaleeceeyay heshiiska, iyaga oo ku adkaysanaya in Iran ay weli tahay mid khatar ah.
Dan Illouz, oo xubin ka ah xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa qoray “Maamulka Iran ma aha nidaam heshiisyo lala galo ee waa nidaam ay tahay in laga adkaado”.
“Haddii aan laga adkaan” Iran waxay heli doontaa hab cusub oo ka dhan ah Israa’iil, ayuu ku dhawaaqay.
Israa’iil ayaa weerartay Iran 13-kii June iyadoo sheegtay in Tehran ay ku dhowdahay inay sameysato hub nukliyeer ah. Trump ayaa hadal la mid ah jeediyay ka hor intii aanu Maraykanka duqeyn Sabtidii.