Sannadkii 2024-kii, dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa dhaqan-galisay mamnuucid dalka oo dhan ah oo ku aaddan iibinta hilibka Eyda oo wadankaa laga isticmaali jiray. Sharcigan taariikhiga ah, oo la ansixiyay bishii Janaayo ee la soo dhaafay, wuxuu siinayaa beeralayda ilaa bisha Febraayo ee sanadka 2027 inay joojiyaan howlahooda oo ay iibiyaan xoolahooda hadhay, waxa loo jeedaa Eyda u hadhay.
Laakiin qaar badan ayaa sheegaya in taasi aanay ahayn waqti ku filan oo lagu baabi’iyo warshadihii iyo hab-nololeedkii jiilasha ku xidhnaa Eyda.
Xitaa khabiiro iyo u doodayaasha xuquuqda xayawaanka, ayaa calaamadeeyay arrimo ku saabsan dhaqangelinteeda – oo ay ku jiraan dhibka dib u habeynta Eyda, laga badbaadiyay dilka.
Dhibaatada jirta waxay tahay tan iyo intii la dhaqan geliyey mamnuucida isla markaana wakhti la siiyey dadka Eyda haysta in ay iibiyaan, hase ahaatee dadkii ayaa u soo bixi waayey, Yacnii waa laga iibsan waayey. Dad badani hadda waxay wajahayaan khatarta sii kordheysa oo ku saabsan in dadku dilaan Eydooda.
“Dadku way dhibban yihiin,” ayuu yidhi Mr Joo, oo sidoo kale ah madaxa Ururka Kuuriyada Kuuriya ee Eyda la cuni karo iyo koox matalaysa warshadaha. “Waxaan ku qarqoonnahay deyn, ma bixin karno, qaarna xitaa ma awoodaan in ay shaqo cusub helaan. “Waa xaalad rajo la’aan.” Ayuu raaciyey
Hadda waxa jira duufaano caqabado ah,Chan-woo wuxuu haystaa 18 bilood si uu uga takhaluso 600 Ey.
“Xaqiiqdii, xitaa ma farsamayn karo tirada Eyda ee aan haysto wakhtigan,” ayuu yidhi. “Waqtigan xaadirka ah dhammaan hantideyda waxay ku jirtaa Beerta Eyda- xitaa Eyda waxaan siiyo ma hayo.”
Waxa kale oo aad loo dhaliilay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka iyo maamulayaasha, inkasta oo ay aad ugu halgameen in la mamnuuco ka ganacsiga hilibka Eyda, hadana may lahayn qorshe cad oo ku saabsan waxa lagu samaynayo xayawaanka soo hadhay – kuwaas oo ay ku dhow yihiin 500,000, sida laga soo xigtay qiyaasta dawladda.
“Inkasta oo mamnuucidii hilibka Eyda ay sharci noqotay, haddana dawladda iyo kooxaha rayidka ahba waxay weli la halgamayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen Eyda hadhay,” ayuu yidhi. “Mid ka mid ah dadka Eyda leh
Afhayeen u hadlay wasaaradda beeraha, cuntada iyo reer miyiga (Mafra) ayaa BBC u sheegay in haddii mulkiilayaasha beeruhu ay ka tanaasulaan Eyda, dawladaha hoose ay la wareegi doonaan lahaanshaha oo ay ku maamuli doonaan hoygooda.
Dhanka kale, hoyga samatabbixinta Eyda ayaa durba buux dhaafiyay.
caqabaduhuna way taagan yihiin. Hadda waxay wajahayaan in loo fasaxo dil. “Waa wax aan la rumaysan karin,” ayuu yidhi Chan-woo.
Chan-woo hadda waxa uu maqlay in xitaa kooxaha xuquuqda xayawaanka ay leeyihiin in xalka loo haya uu yahay dil.
Ra’yi ururin dawladdu samaysay 2024 waxa la helay in cunista hilibka Eydu hoos u dhacay boqolkiiba 27%, sida ay jawaab bixiyeyaashu sheegeen boqolkiiba 8% keliya ayaa sheegay inay tijaabiyeen hilibka Eyda 12 bilood ee la soo dhaafay, qiyaastii boqolkiiba 3.3% ayaa sheegeen inay sii wadi doonaan cunida ka dib markii mamnuuciddu si buuxda u dhaqangashay.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay mamnuucista, waxa jiray 1,537 beerood oo Eyda ah, waxa markiiba xidhmay 623.