Vietnam oo wadankeeda ka joojisay ciqaabta dilka dembiyada waa weyn.

0
110

Vietnam waxa ay joojin doontaa ciqaabta dilka ah ee siddeed qaybood oo dambiyo waaweyn ah – oo ay ku jiraan wax-is-daba-marin, isku dayo lagu afgambiyo dawladda iyo burburinta kaabayaasha dawladda, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Wakaaladda wararka ee Vietnam ayaa sheegtay Arbacadii in Golaha Qaranka ee dalku uu si aqlabiyad ah u meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay xeerka ciqaabta kaas oo baabi’iyay ciqaabta dilka ah ee sideed fal dambiyeed.

Laga bilaabo bisha soo socota, dadku ma waajahi doonaan xukun dil ah oo lagu soo oogay laaluush, wax isdaba marin, soo saarista iyo ka ganacsiga dawooyinka been abuurka ah, si sharci darro ah u qaadida maandooriyaha, basaasnimada, “dambiyada burburinta nabadda iyo keenista dagaal gardaro ah”, iyo sidoo kale qaran dumis iyo isku dayga in lagu rido dawladda.

Xukunka ugu badan ee dambiyadan ayaa hadda noqon doona xabsi daa’in, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.

Dadka lagu xukumay dil toogasho ah oo loo haysto dambiyo waaweyn ka hor 1-da July, balse aan weli la fulin, ayaa lagu sheegay in xukunkooda loogu beddeli doono xabsi daa’in, sida ay tidhi warbixintu.

Go’aankan ayaa soo afjari doona Ciqaabta dilka ah ee lagu fulin jiray 10 dembi sida uu dhigayo sharciga Vietnam, oo ay ku jiraan dil, khiyaano, argagixisanimo iyo xadgudubka galmada ee carruurta, sida lagu sheegay warbixinta.

Intii lagu guda jiray doodda Golaha Shacbiga ee ku saabsan wax ka beddelka xeer-dembiyeedka la soo jeediyay bishii hore, arrinta joojinta xukunka dilka ah ee ka ganacsiga daroogada ayaa ahayd muranka ugu badan.

“Haddii ay ahaan lahayd dhowr garaam ama dhowr tan, waxyeellada ka dhalata gaadiidka daroogada waa mid aad u weyn,” ayuu yidhi mid ka mid ah xildhibaannada, halka mid kalena uu sheegay in ka qaadista xukunka dilka ah ee daroogada ay dirayso calaamad khaldan xilli kiisaska daroogada ay ku soo badanayaan dalka.

Xogta ciqaabta dilku waa sir qaran oo Vietnam ah lamana oga inta qof ee hadda xukunka dilka ah lagu xukumayo dalka.

In Xabad qofka lagu dilo ayaa laga joojiyey Vietnam sanadkii 2011 waxaana lagu bedelay in lagu dilo Irbad halis ah.