Ballanqaadkii Madaxweynaha oo Hirgalay: Dhismaha Jidka Balli-Gubadle ilaa iyo Hargeysa

0
316

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa, (Dawan)- Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa guul muuqata ka gaadhay hirgelinta mid ka mid ah ballanqaadyadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee xilligii ololaha doorashada. Hirgelinta waddada Balligubadle iyo Hargeysa waxay noqotay astaan muujinaysa hoggaamin daacadnimo ku dhisan, hufnaan maamul iyo u heellanaanta hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Wakaaladdu waxay si rasmi ah u bilowday daamur saarista 10-kii kiiloomitir ee ugu horreeyay jidka muhiimka ah ee isku xidhaya Balligubadle iyo Hargeysa. Jidkaasi wuxuu ka bilaabmayaa degmada Gunburaha ilaa deegaanka Xaali oo ah goob caan ku ahayd xaalad adag oo waddo xumo ah, taasoo si weyn u saameynaysay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo isu socodka bulshada.

Tayada iyo Qaabka Dhismaha:

Jidka cusub ayaa lagu dhisayaa hannaan casri ah, iyadoo la adeegsanayo daamur tayo sare leh oo noociisu yahay “Rooga”, taasi oo la sheegay inay tahay mid waafaqsan heerarka caalamiga ah. Masuuliyiinta Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka iyo Wasaaradda Gaadiidka ayaa caddeeyay in mashruucani yahay mid ujeedadiisu tahay xoojinta isku socodka, sugidda badbaadada rakaabka, iyo dardargelinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dedaalka Xukuumadda:

Wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeybgalay xafladdii daahfurka mashruuca, taasoo si cad u muujisay muhiimadda mashruucan ee heer qaran. Madaxweynaha Somaliland ayaa horey u dhagax-dhigay jidkan, isaga oo si cad u ballanqaaday dhameystirkiisa. Fulinta ballanqaadkani waxay ka tarjumaysaa in xukuumadda cusub ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo dalka.

Falcelinta Bulshada: Farxadda iyo Rejo

Bulshada ku dhaqan gobolka Hawd ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruuca, iyagoo muujiyay farxad iyo rejo. Waxay ku tilmaameen in dhismaha laamigan uu yahay isbeddel dhab ah oo noloshooda iyo dhaqaalahooda kor u qaadi doona. Waddadan cusub ayaa si weyn u fududeyn doonta gaadiidka xoolaha, isu socodka bulshada, iyo isku xidhnaanta deegaankaasi la leeyahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Gunaanad:

Hirgelinta laamiga Balligubadle iyo Hargeysa ayaa ah tusaale cad oo muujinaya in xukuumadda Madaxweyne Cirro ay ka go’an tahay fulinta ballanqaadyadii ololaha, gaar ahaan kuwa la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Tallaabadani waxay xoojinaysaa kalsoonida shacabka, waxayna astaan u noqonaysaa waddo lagu gaadhi karo horumar waara iyo isku xidhnaan qaran