- “Naftaada ka shaqee ka hor intaadan dadka kale sixin.” ( IM.Qasali)
- “Dunida ha ka dhigin hoygaaga, ee ka dhig jidka aad ku sii marayso aakhiro.”
- “Cilmiga aan camal lahayni, waa sida geed aan midho lahayn.” ( IM.Qasali)
- “Qiyaasata runta ah ee qofku waa waxa uu u sameeyo dadka kale.”
- “Ma jiro wax ka yaab badan caqliga bini’aadamka marka uu si dhab ah u fekerayo.”
- “Kuwa aan waligood qalad samaynin, waligood ma tijaabiyaan wax cusub.”
- “Cilmi-yahanku maaha mid ka fiican dadka kale, balse waxa uu leeyahay xiise su’aalo badan.”
- Ma jeclid in qaladka kaa dhaca laguu saxo si adag. Adiguna iska jir arinkaasi.
- Waxa badan haku mashquulin fikirka arrin dhib kugu haya, laakiin Allah weydiiso denbi dhaaf, maxaa yeelay denbi dhaafku wuxu furaa albaabo aanu fikirku furin.
- Cadaanka macanihiisu maaha qurux waayo Kafantkuba waa cadaan, Madawga laftiisuna maaha foolxumo waayo dhagax kacbaduba waa madow.