Madaxweyne Cirro oo Xoojiyay Waxqabadka iyo Kormeerka Hay’adaha Dowladda JSL

0
136

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo si weyn u xoojinaysa waxqabadka iyo dardargelinta mudnaanta hay’adaha xukuumadda. Madaxweynah ayaa shalay si rasmi ah u magacaabay Madaxa Unugga Xidhiidhinta, Dardargelinta Mudnaanta, iyo Waxqabadka Hay’adaha Xukuumadda, oo lagu aasaasay Xeer Madaxweyne.

Mudane Axmed Maxamed Muuse Nuux ayaa loo magacaabay madaxa unuggan cusub, ee Xidhiidhinta, Dardargelinta Mudnaanta, iyo Waxqabadka Hay’adaha Xukuumadda Somaliland, kaasoo diiradda saari doona isku-duwidda fulinta mudnaanta istiraatiijiyadeed ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad, kormeerka waxqabadka hay’adaha dowladda, iyo dardargelinta hawl-gallada hay’adaha dawliga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay maamulka cusub ee Wakaaladda Biyaha ee Caasimadda Hargeysa. Cabdillaahi Maxamuudd Ibraahin (Beershiya) ayaa loo magacaabay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, halka Eng. Aadan Daahir Cabdillaahi (Cadde) loo magacaabay Maareeye ku xigeenka wakaaladda. Masuuliyiintan cusub waxaa loo xilsaaray horumarinta adeegyada biyaha iyo tayaynta kaabayaasha muhiimka ah ee biyaha magaalladda Hargeysa.

Magacaabistaan ayaa qayb ka ah dadaallada Madaxweynaha ee lagu xoojinayo hufnaanta maamulka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo waxtarka hay’adaha dowladda. Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan mas’uuliyiinta cusub inay ka shaqeeyaan isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo horumarinta adeegyada muwaadiniinta.