Horn Lens “Khudbadda Madaxweynaha Somaliland ee Baarlamanka UK Waa Fursad iyo Horumar Siyaasadeed”

0
92

“Somaliland waxa ay caalamka u gudbisay farriin cad oo lagu xoojinayo sumcada,

kobaca dhaqaale iyo maalgashiga”

 “Somaliland waxay ka faa’iidaysanyaa isbedelada aragtida caalamka iyo fursadaha aqoonsiga”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Horn Lens ayaa sheegtay in khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxmad Cabdillaahi Cirro, ee la filayo inay ka dhacdo Baarlamaanka UK ay calaamad u tahay xilli muhiim ah oo ku saabsan horumarka siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo xidhiidhka caalamiga ah. Warbixintu waxay tilmaantay in khudbaddani aanay kaliya ahayn hadal siyaasadeed, balse ay tahay talaabo istiraatiiji ah oo saameyn ku yeelanaysa sida hay’adaha caalamiga ah iyo awoodaha gobolku ay uga jawaabaan xaaladda siyaasadeed, gaar ahaan aragtida aqoonsiga Somaliland.

Horn Lens ayaa sidoo kale warbixinteeda ku xustay in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxmad Cabdillaahi Cirro, uu qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo fursad taariikhi ah u abuuraysa Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ku tilmaantay dowlad madax-bannaan oo ka shaqeysa horumarka, xasilloonida, iyo hirgelinta dimuqraadiyad hufan, isla markaana si joogto ah u qabata doorashooyin xor iyo xalaal ah tan iyo 1991. Isla markaana ay Khudbaddani kor u qaadayso sumcadda Somaliland iyada oo muujinaysa dadaalka dimuqraadiyadeed iyo horumarka ay gaadhay.

Sidoo kale, waxa lagu xusay warbixinta in marka loo eego siyaasadda juqraafiyeed ee gobolka, ay khudbaddani Somaliland u fureyso fursado istiraatiiji ah, iyadoo taageeraysa horumarka dhaqaale, ganacsi, maalgashi iyo diblomaasiyadda. Waxaa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay ka faa’iideysanayso xidhiidhkeeda taariikhiga ah iyo saameynta UK ee golayaasha caalamiga ah, taasoo ka dhigeysa in arrimaha Somaliland si dhab ah looga hadlo. Iyada oo Madaxweyne Cirro uu sidoo kale diiradda saarayo xoojinta xidhiidhka dhaqaale iyo ganacsi, sida dekedda Berber oo lagu casriyeeyay maalgashiga Imaaraadka Carabta, taasoo ah xarun muhiim u ah saadka iyo isu socodka caalamka.

Warbixinta Horn Lens ayaa muujisay in khudbaddani ay calaamad u tahay isbeddel ballaadhan oo ku yimid aragtida caalamiga ah ee aqoonsiga Somaliland oo si weyn caalamka ugu muujisay horumarro siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, kuwaas oo si cad uga muuqda xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland tan iyo markii dawladda Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, isla markaana xukuumadda Madaxweyne cirro ay si muuqata u qaadayso tallaabooyinka dalku kaga gudbay caqabadaha diblomaasiyadeed, isla markaana dhisaya aragti cusub oo ku saabsan amniga gobolka iyo horumarka dhaqaalaha.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay su’aal muujinaysa horumarka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ka gaadhay fagaarayaasha siyaasadda caalamka: waxaana lagu yidhi “Khudbaddani ma isbeddel siyaasadeed oo dhab ah baa, mise waa tallaabo kale oo ku saleysan barwaaqo ka timid aqoonsi ama saameyn dhaqaale?” Si kasta ba ha ahaatee khudbaddani waxay leedahay saameyn istiraatiiji ah oo ballaadhan, waxay xoojineysaa sumcadda Somaliland ee caalamka, waxay kor u qaadaysaa muuqaalka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida, isla markaana waxay caalamka u gudbinaysa farriin cad oo ku saabsan doorka ay ka ciyaari karto gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah. Khudbaddani tallaabo ka baxsan siyaasadda maxaliga ah, taasoo calaamad u ah isbeddelka aragtida caalamiga ah iyo fursadaha dhaqaale ee Somaliland.”