Hooyo ayaa wiil ay dhashay siisay waano iyo talooyin fiican.Waxaana ay ku tidhi :โ Hooyo, Wiilkaygiiyow, mar kasta runta sheeg.โ
Wiilkii yaraa ayaa yidhi: โ Haye hooyoโ, wiilka oo hadalka sii wata ayaa yidhi:ย โ Hooyo maanta raashinkaaga milixdaa ku badan ”
Hooyadii ayaa mar labaad wiilkeeda ku tidhi : โ Hooyo mar kasta runta sheeg, mararka qaarkoodna aamus.โย Wiilku runta markii uu sheegay hooyada in raashinka milixdu ku badan tahay waa ay ogaatay in wax kasta in la sheega aanay muhiim ahayn, waxaana ay wiilkkeda ku tidhi :โ Mararka qaar iska aamus, waxba ha sheeginโ.ย Waanada hooyadu waa muhiim, wakhtiyada qaarkood waxa fiican in arinka aad ka hadli lahayd uu aamusku ka wanaagsan yahay.






















