Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa dhawr guulood oo muhiim ah ka gaadhay horumarinta caafimaadka bulshada iyo adeegyada caafimaad ee dalka.
Bukaanada waxaa si bilaash ah loogu daaweeyaa haamaha neefta siiya, iyadoo shaqaale ka badan 1,000 oo aan ku jirin liiska dawladda la siinayo mushahar si ay u bixiyaan adeeg tayo leh.
Qayb ka mid ah cisbitaalka waxaa dhisaya dawladda Taiwan, waxaana la filayaa in dhismaha cusub uu yareeyo bukaanada dibedda u safri jiray.
Cisbitaalka ayaa helay mashiinada CT Scan oo qayb ahaan la keenay, qaarna weli ay soo socda, taasi oo kor u qaadaysa adeegyada baadhitaanka casriga ah.
Dr. Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa sidoo kale daahfuray qaybta uur-ku-jirta iyo beerka, kuwaasi oo lagu ogaanayo xaalada caloosha, xididada cunaha iyo dhibaatooyinka midhicirka, si bukaanada si hufan loogu daweeyo.
Xarunta cilmi-baadhista ee cisbitaalka ayaa ururisay 70 qoraal cilmi-baadhiseed oo laga sameeyay intii u dhexeysay 1998–2025, kuwaasi oo lagu daabacay joornaalada caafimaadka, taasi oo muujinaysa sida cisbitaalku uga shaqeeyo cilmi-baadhis iyo horumar.
Waxaa sidoo kale la saxeexay heshiis Is-afgarad oo dhex maray Cisbitaalka Hargeysa iyo Somaliland Nursing and Midwifery Association, kaasi oo xoojinaya tababarka iyo xirfadda kalkaaliyeyaasha iyo umulisooyinka, isla markaana dhiirrigelinaya cilmi-baadhista iyo adeegyada ku saleysan caddeymaha.
Wafti ka socday UNHCR ayaa booqday cisbitaalka, si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee qaxootiga iyo nabad-galyo-doonka, iyada oo la isla qaatay qorshe hawleed mideysan iyo kulamo joogto ah si loo gaadho adeeg caafimaad oo tayo leh.
Guud ahaan, Cisbitaalka Guud ee Hargeysa wuxuu noqday tusaale muujinaya horumar, adeegyo casri ah, cilmi-baadhis, iyo iskaashi gudaha iyo dibedda ah, taasi faa’iido weyn u leh bulshada iyo horumarka caafimaad ee Somaliland.
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa qabtay hawlo muhiim ah oo isugu jira deeq raashin, timir, iskaashi caalami ah, qorsheyn gurmad degdeg ah iyo xoojinta wada-shaqaynta shaqaalaha, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo farxad gelinta bukaannada, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadan.
Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa Shirkadda Oomaar ayaa kala wareegey raashin loogu talagalay bukaannada jilicdasan, halka ganacsade Mahad uu si gaar ah ugu deeqay timir bukaannada Qaybta Dhimirka (Maanka), waxaana si rasmi ah ula wareegay maamulka cisbitaalka iyo Maamulaha Qaybta Cuntada, Marwo Foosiya Xaddiyo.
Agaasimaha Cisbitaalka, Dr. Axmed-Weli Daahir Xaddi, ayaa bogaadiyey ficilkaas samafalka ah waxaanu dhiirrigeliyey in ganacsatada kale iyo bulshada inay ka qayb qaataan.
Sidoo kale, Cisbitaalka iyo Wasaaradda caafimaadka ayaa martiqaaday saaxiibo ka socday dalka Japan si ay u arkaan Taiwan Model ee iskaashiga caafimaadka ee Somaliland, iyada oo taageero ka helaya Taiwan Technical Mission iyo Taiwan Medical Mission, si loo dhiirrigeliyo iskaashi caalami ah oo ku saleysan himilo, dan iyo hadaf wadajir ah.
Dhanka qorsheynta gurmadka degdegga ah, Cisbitaalka ayaa qabtay kulan lagu dardargelinayo qorsheyaasha wax-ku-oolka ah ee shilalka gaadiidka, dabka iyo hawlgallada badbaadinta nafeed.
Waxaa la magacaabay Guddi Farsamo oo ka kooban wakiillo hay’adaha gurmadka, kuwaasi oo loo xil saaray diyaarinta qorshe-hawleed mideysan dejinta habraac isgaadhsiineed oo deg dega, iyo tababaro kor loogu qaadayo gurmadka, si hay’adaha gurmadka ay si isku xidhan oo hufan ugu shaqeeyaan badbaadinta nafta iyo hantida bulshada.
Agaasimaha Qaybta Maamulka Shaqaalaha, Siciid Maxamuud Diiriye, ayaa sidoo kale qabtay kulan lagu adkeynayo iskaashiga shaqaalaha, hagaajinta tayada adeegga bukaanka, dhisidda jawi shaqo oo isku-duuban iyo yaraynta khaladaadka si hawlaha cisbitaalka ay u noqdaan kuwo hufan.
Magaalada Hargeysa waxaa lagu daah-furay ololaha tabaruca dhiig-bixinta ee heer qaran, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Ololahani wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa muhiimada dhiig-bixintu u leedahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan hooyooyinka umulaya, carruurta iyo bukaanada shilalka la kulma.
Munaasibadda waxaa ka qayb galay Wasiirka Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed-wali Daahir Xaddi, mas’uuliyiin heer qaran iyo heer gobol iyo ururo bulshada ka tirsan.
Sidoo kale, Dr. Axmed-wali iyo maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa shir heer sare ah oo lagu qorsheynayay gurmadka degdegga ah iyo xaaladaha shilalka, dabka iyo badbaadinta nafeed, ku qabtay xarunta cisbitaalka.
Shirkan waxa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socda Dawladda Hoose, Ciidanka Booliska, Ciidanka Dab-damiska iyo hay’ado kale oo muhiim u ah gurmadka degdegga ah.
Waxaa lagu heshiiyay in la xoojiyo isku-duwidda xaaladaha degdegga ah, sidoo kalena mudnaanta koowaad la siiyo badbaadinta nolosha qofka iyo in la qabto shirar joogto ah si loo hubiyo diyaar-garow buuxa oo hay’adaha gurmadka ah.
Ololaha iyo shirarkani waxay door muuqda ka qaadan doonaan badbaadinta nolosha muwaadiniinta Hargeysa iyo guud ahaan dalka.
Maalinta Caalamiga ah ee Kansarka, Cisbitaalka Guud ee Hargeysa wuxuu bulshada u soo bandhigay xog ka timid Waaxda Pathology-ga, taasi oo iftiimineysa in sannadkii 2025, 835 bukaan oo cabitaan ama astaamo shaki leh la baadhay, laguna helay 73 kiis oo kansar ah (ku dhawaad 10%).
Cisbitaalka ayaa Bulshada ku boorinayaa in ay ka hortagaan kansarka, feejignaan muujiyaan, isla markaana ka faa’iideystaan adeegyada screening iyo diagnostic-ka ee cisbitaalka, tiradani waxay ka tarjumaysaa bukaanada la baadhay oo kaliya.
Cisbitaalka ayaa adeegyo cusub oo horumarineed hirgeliyay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ICU oo dib loo casriyey, Qaybta Baadhista Caloosha iyo Mindhicirrada, Qaybta Raajada ama sawirka oo la casriyey, Farmasiiyada iyo Qaybta Cuntada Bukaannada iyo kordhinta qalabka Shaybaadhka iyo mashiinnada kalyaha.
Maamulka cisbitaalka wuxuu xooga saarayaa tayeynta adeegyada caafimaadka, wada-shaqaynta dhakhaatiirta iyo hagaajinta habraacyada shaqo si bulshada oo dhan ay u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh.
Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa ku hawlan horumarinta adeegyada caafimaad, shaqaalaha iyo hufnaanta waaxyaha.
Wafti caalami ah oo ka yimid Cisbitaalka Wanfang, Taiwan, CBWCF (Norway), Global Fund iyo World Vision ayaa ka qayb qaatay tababaro iyo xarumo cusub oo lagu daaweeyo gubashada iyo bukaannada kale.
Cisbitaalka ayaa sidoo kale hirgeliyay nidaamka dhijitaalka ah ee xogta caafimaadka, tababaro ku saabsan PACS iyo maaliyadda, iyo qalab caafimaad oo cusub oo loo geeyay cisbitaalo kala duwan.
Waaxaha Maanka iyo Nafaqada iyo qeybta qalliimada ayaa la casriyeeyay.
Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir, ayaa booqday bukaanno dhaawac ka soo gaadhay mudaharaad, iyagoo xaqiijiyay in daaweynta ay damaanad qaadayso dawladda.
Cisbitaalka wuxuu sii wadi doonaa horumarinta adeegyada caafimaad iyo isku xidhka xarumaha dalka, si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo tayo sare leh oo casri ah.
Gaba-gabaddii, Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, wuxuu ku tallaabsaday horumar ballaadhan oo adeegyo caafimaad casri ah, cilmi-baadhis, tababar shaqaale iyo iskaashi gudaha iyo caalami ah, isagoo xoojinaya daryeelka bukaanka, wacyigelinta bulshada iyo badbaadinta nolosha, waana guul Cisbitaalka, bulshada iyo Qarankaba u soo hoyatay.

























