Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Hungary inay afduubteen toddobo shaqaale ah oo ka tirsan bangiga keydka ee Ukraine, Oschadbank.
Andrii Sybiha oo qoraal ku faafiyey barta X ayaa yidhi: “Maanta Budapest, mas’uuliyiinta Hungary waxay afduub u geysteen toddobo muwaadin oo reer Ukraine ah. Sababaha weli lama oga, iyo sidoo kale xaaladdooda caafimaad ee hadda lama oga.”
Shaqaaluhu laba baabuur waxay sideen lacag dhan $80 milyan oo u dhiganta £60 milyan oo Gini, waxa laga afduubay meel u dhaxaysa Austria iyo Ukraine. Mas’uuliyiinta Ukraine waxay direen warqad ay ku dalbanayaan in shaqaalaha la soo celiyo, sida uu Sybiha sheegay.
Bayaan uu soo saaray Banka Ukrainee ee Oschadbank wuxuu ku sheegay in shaqaalaha “si aan cadaalad ahayn loogu xidhay Hungary” xogta GPS-kuna ay muujisay in baabuurtooda ay ku sugan yihiin Budapest. Dowladda Hungary oo lala xidhiidhay waxa faallo ah kamay bixin dhacdada.
Sidoo kale Bangiga Oschadbank waxa uu qoraal ku yidhi “Qiimaha alaabta qaaliga ah ee ku jirtay baabuurta la xaday waxay gaadhayeen 40 milyan oo doolarka Maraykanka ah, 35 milyan oo Yuuro, iyo 9 kg oo dahab ah,”. “Oschadbank wuxuu dalbanayaa in si degdeg ah loo sii daayo shaqaalihiisa iyo hantidiisa, loona soo celiyo Ukraine.” Ayuu ku daray qoraalku.
Hungary waxay xidhiidh dhow la leedahay Ruushka, waxayna si joogto ah uga soo horjeedsatay gargaarka milatari ee loo fidiyo Ukraine. Taa bedelkeeda Ukraine waxay xanibtay dhuumo shidaal oo soo mara dalkeeda kuwaas oo shidaal Ruushku leeyahay gaadhsiiya Hungary.
Ra’iisul Wasaare Viktor Orbán oo Jimcihii hadlayey ma uu soo hadal qaadin toddobada shaqaale ee bangiga ah, wuxuu se sheegay in rarka gaadiidka ee Ukraine u gudba la joojin doono ilaa laga xalliyo khilaafka ku saabsan sahayda saliidda Ruushka.
Wararka Hungary ayaa sharraxaya in saraakiil dhar madow xidhan oo ka tirsan xarunta la dagaallanka argagixisada ee TEK ee Hungary ay u weerareen baabuurtii diiwaangashanayd ee Ukraine Khamiistii ka dibna kolonyadoodii waxay u jiheeyeen Budapest.
Sybiha waxa uu Hungary ku eedeeyey “argagixiso dowli ah iyo musuqmaasuq”.
“Waxaan ka hadlaynaa Hungary oo qafaalatay dad, lacagna xaday,” ayuu Sybiha ku baahiyey X.
Horey, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orban oo uu ku eedeeyay inuu hor istaagay deeqo gargaar oo Yurub ah oo loo fidinayay Kyiv.
Halka Orban uu isna ku eedeeyay Kyiv inay “xayiraad shidaal” ku soo rogtay Hungary iyada oo si ula kac ah dib u dhigtay dib u furista dhuumaha Druzhba.
Orban, oo ku jira kaalinta labaad kaga jira ra’yi ururinta ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee bisha soo socota, waxa uu sheegay in Budapest ay adeegsan doonto “tallaab kasta, mid siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale” si ay Ukraine ugu qasabto inay dib u furto dhuumaha shidaalka Ruushka u qaada warshadaha sifeynta ee Hungary.
Ukraine waxay sheegtay in dhuumaha shidaalka ay waxyeello ka soo gaadhay duqeymihii Ruushka bishii hore, shaqaalaheeda dayactirkana ay ku dhaawacmeen weeraro dheeraad ah.
Druzhba waa wadada ugu weyn ee saliidda Ruushka loo geeyo Hungary iyo Slovakia, dhoofinta saliidda Ruushka ee labada dalna way joogsatay tan iyo 27kii Janaayo.
Hungary iyo Slovakia, oo ah dalalka kaliya ee Midowga Yurub ee weli soo dejiya saliidda Ruushka, ayaa ku eedeeyay Ukraine inay si ula kac ah u dib u dhigtay dib u soo celinta qulqulka saliidda sababo siyaasadeed awgood.






















