“Laga Bilaabo Badda Cas illaa Geeska Afrika: Somaliland oo Soo Jiidatay Indhaha Quwadaha Caalamka”

0
86

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin ay daabacday warbaahinta The Times of Israel ayaa iftiimisay muhiimada juqraafiyeed ee ay ku fadhido Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu tilmaamay marin istaraatiiji ah oo muhiimad ballaadhan u leh isku xidhka ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika, isla markaana ay sannadihii u dambeeyay si weyn u sii kordheen muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa kale oo warbixintu tilmaantay in bogcaddan, oo markii hore loo arkayay waddo muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga, ay hadda soo jiidatay tartanka sii kordhaya ee quwadaha waaweyn ee dunida. Arrintaasina ay xeebaha dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigtay mid ka mid ah marin-biyoodka istaraatiijiyad ahaan ugu loollanka badan dunida.

Sidoo kale warbixintu waxay muujisay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay u arkaan Somaliland inay leedahay muhiimad caalami ah, maadaama ay ku taallo marin-biyood istaraatiiji ah oo ay maraan ku dhawaad 15% ganacsiga adduunka. Isla markaana ay Somaliland sidoo kale ku dhowdahay mid ka mid ah meelaha ugu cidhiidhiga badan marin-biyaha caalamka, ee Bab el-Mandeb Strait, taas oo ka dhigaysa in carqalad kasta oo halkaas ka dhacda ay si toos ah u saameyn karto suuqyada caalamka.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay dhistay sumcad caalami ah oo ku saabsan xasillooni, nidaam dimuqraadi ah, iyo amni gudaha ah oo wanaagsan, iyadoo ku taalla gobol inta badan lagu yaqaan khilaafyo, colaado raagay iyo xasillooni-darro siyaasadeed. Sidoo kalena tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991, ay ka hanaqaaday xasillooni buuxdas, nidaam dawladnimo oo shaqeeya, iyo doorashooyin tartan leh oo soo jiitay indhaha dalal badan oo dimuqraadi ah.

Sidoo kale waxa lagu sheegay warbixintan in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay Dekedda ugu weyn ganacsiga Geeska Afrika, isla markaana Dekedda Berbera ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha gobolka gaar ahaan Somaliland, taas oo ay warbixintu xustay in ay si isa soo taraysa u soo jiidanayso dareenka caalamka. Maadaama oo ay tahay Dekedda Berbera ay noqotay xarun sii kordhaysa oo isku xidha ganacsiga iyo saadka u dhexeeya Afrika, Bariga Dhexe iyo suuqyo kale oo caalami ah.

Warbixintan oo Wargeyska Dawan soo turjumay ayaa lagu soo gabagabeeyay “Dhanka kale, xasilloonida Somaliland waxay bixisaa fursad muhiim u ah horumarka gobolka. Sidaa darteed, xidhiidh dhaqaale oo xooggan oo dhex mara Somaliland iyo lammaanayaasheeda caalamiga ah wuxuu xoojin karaa isku xidhka ganacsiga ee Geeska Afrika. Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sugnaanta cuntada, iyo iskaashiga dhinaca tamarta, kuwaas oo dhammaantood ka faa’iidaysan kara booska istaraatiijiyadeed ee Somaliland ku taallo.”