“Pentagon-ka Maraykanka oo Somaliland u Arka Xarun Muhiim u ah Ka Hortaga Khatarta iyo Cidhiidhiga Jabuuti”

0
77

 

“Maraykanku wuxuu u soo weecday xeebaha Somaliland” Horn Lens “Dedekadda Berbera iyo loolanka quwadaha waaweyn ee Bariga Afrika” Horn Lens

Qore Axmed M. Saleebaan

Washington (Dawan) Warbixin ay baahisay warbaahinta caalamiga ah ee Horn Lens ayaa daah-furtay xiisaha sii kordhaya ee Washington iyo sababaha istaraatiijiyadeed ee Pentagon-ka Maraykanka uu si aamusnaan ah ugu soo weecanayo xeebaha Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera, si loo abuuro shabakad saad adkaysi leh, isla markaana la isku halayn karo, taasoo beddel u noqonaysa cidhiidhiga iyo khataraha amni ee ka jira Jabuuti iyo marinka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in Berbera ay tahay xarun istaraatiijiyadeed oo muhiim ah, isla markaana leh fursado saamaynaya amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, dabacsanaanta hawlgallada milatari, iyo helitaanka beddel ka madax-bannaan khataraha juquraafi-siyaasadeed ee gobolka. Arrimahaasi oo ay tilmaantay in ay si cad uga turjumayaan qorshaha Maraykanka ee xoojinta saameynta reer Galbeedka ee marinnada ganacsiga adduunka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Warbixinta ayaa si cad u muujisay muhiimada ay Somaliland u leedahay tartanka quwadaha waaweyn ee caalamka. Waxa kale oo ay xustay in Somaliland ay si degdeg ah ugu soo baxday mid ka mid ah gobollada ugu istaraatiijiyadda sareeya adduunka, iyada oo uu si weyn u sii xoogaysanayo loolanka juquraafi-siyaasadeed ee Badweynta Hindiya iyo marinka Badda Cas. Taasina ay tahay sababta dhabta ah ee ka dambaysa istaraatiijiyadda cusub ee Washington ay xooga ku saarayso iskaashiga Somaliland.

Waxa kale oo ay iftiimisay sida istaraatiijiyadaha cusub ee gaashaandhigga Maraykanku ay xoogga u saarayso hannaanka saadka ee baahsan (distributed logistics) si loo gaadho adkeysiga iyo hufnaanta hawlgalka. Xarumaha kaabayaasha, sida Dekedda Berbera, ayaa ka ciyaari kara door sii kordhaya shabakaddaas istaraatiijiyadeed. kuwaas oo ka dhigaya Berbera xarun muhiim u ah sugidda amniga badda, baahinta awoodda milatari, iyo helitaanka beddel looga baaqsan karo ciriiriga juquraafi-siyaasadeed ee Jabuuti.

“Dekedda Berbera iyo kaabayaasha ku xeeran ayaa door sii kordhaya ka ciyaaraya shabakadda cusub ee istaraatiijiyadda Maraykanka. Berbera waxay bixisaa fursado aan ka jirin saldhigyada kale: sugidda amniga Badda Cas, baahinta awoodda milatari, iyo helitaanka beddel looga baaqsan karo cidiidhiga juquraafi-siyaasadeed ee Jabuuti. Isku-darka dekedda casriga ah iyo garoonka diyaaradaha oo u dhow ayaa ka dhigaya Berbera xarun muhiim ah oo laga faa’iidaysan karo mustaqbalka.” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixintu waxa ay intaasi raacisay “Fahamka kor u kaca Berbera ayaa ka caawinaya in la sharxo sida awoodda badda, amniga ganacsiga, iyo arrimaha juquraafi-siyaasadda ee Somaliland ay u kobcayaan sanadaha soo socda. Isbeddelka ayaa ka turjumaya dhiirrigelinta shabakadaha adkeysiga leh, halkii Maraykanku ku tiirsanaan lahaa hal saldhig oo weyn sida Camp Lemonnier ee Jabuuti, taas oo ka dhigaysa Berbera xarun muhiim ah oo ka baxsan cidhiidhiga iyo khatarta wakiillada shisheeye.”